Waxaan fadhiisanay qolkii naloo goglay oo aad u qurux
badnaa, waxaana naloo keenay Qaadkii iyo Cabitaankii qaboobaa ee na
loogu tala galay, intii aan kala qeybsaneynay qaadkii ayaa waxaa nagu
soo biiray labo Hablood oo ay ka muuqato in ay yihiin dad ladan oo
dhaqaale fiican heysta, waxayna xirnaayeen dhar bilicsan oo ah nooca
qaaliga ah, waxay ahaayeen sida mar dambe naloo sheegay, Hablo la qabo
oo xaaslayaal ah, labadii hablood mar allaale iyo markii ay salka dhulka
dhigeen ayay dalbadeen in ayagana loo doono qaad iyo sigaar.
Cabaar markii ay hablihii fadhiyeen ayay Marwo Suleeqa ka codsadeen in
labaro dhallin-yaradeena meesha fadhida, waana nala baray labadii
hablood ee nagu soo biiray.
Markii cabaar la kala aamusnaa, ayaa Haboon oo labada hablood midood
ahayd intey si fiican noo eegtay ayay hadana Marwo Suleeqa eegtay, "Dad
lagu kalsoonaan karo ma yihiin dhallinyaradaan?" ayay weydiisay Marwo
Suleeqa oo
meesha fadhiday.
Marwo Suleeqa intey na eegtay ayay iska aamustay, waxaana ku adkaatay in
ay ka jawaabto su'aashii la weydiiyay waayo Marwo Suleeqa aqoon fiican
nooma lahayn, waana markii ugu horeeysay oo aan kulano, Asli oo ahayd
gabadhii na casuuntay, ayaa intey ilka cadeysay tiri, iyadoo ka
jawaabeysa su'aashii la weydiiyay Habaryarteed "Waa lagu kalsoonaan
karaa dhallinyaradaan, waana la aamini karaa".
"Anigaba sidaas ayaan is lahaa sida wejiyadooda ka muuqata" ayay tiri
Haboon, iyadoo na eegeysa, "Kolley waa dad mas'uuliyiina oo reer magaal
ah" ayay tiri Naagtii kale ee la socotay Haboon.
Marwo Suleeqa iyadoo na eegeysa ayay madaxa ruxday, wayna istaagtay
waxayna u baxday bannaanka, daqiiqado kadibna waxay soo noqotay iyadoo
sida labo Marduuf oo qaad ah iyo labo baako oo sigaar ah, waxayna u
dhiibtay labadii hablood ee meesha nala fadhiyay, wayna fadhiisatay.
Labadii hablood markii ay kala qaateen marduuf ee qaadka ahaa, ayay
bilaabeen in ay kala shaandheeyaan, intii ay ku mashqulsanaayeen qaadkii
ayaa Haboon oo ka mid ahayd hablaha tiri, "Abaayo Suleeqa naga ilaali
dadka oo yaan naloo soo gelin"
"Oo waayo..!!, yaad ka baqeysaan?" ayay Marwo Suleeqa weydiisay hablihii.
"Walaahi cid aan ka baqeyno ma jirto, laakinse ma jeclin in nalagu arko
qaadka" ayay ku jawaabtay Haboon, intey Marwo Suleeqa ilka cadeysay ayay
tiri iyadoo eegeysa hablihii "Oo haddii la idinku arko qaadka, maxaa la
idinka qaadayaa...?" "Walaahi cid wax naga qaadeyso ayaaba iska yar,
balse ma jeclin in nalagu arko, waayo waxaan nahay dad waaweyn oo
mas'uuliyiin ah .." ayay la soo booday Naagtii kale ee la socotay Haboon,
waxaana la keenay shaahigii iyo cabitaankii dhinnaa, qof welibana waxa
uu ku mashquulay qaadkiisii.....
waa socotaa......
Abshir Cali Warsame (Shire)
Xog-hayaha Mogadishu Media association
Xafiiska Gololey.com ee Muqdisho
madkacali@hotmail.com
Qiimo Jaban ku wac aduunka meel kasta oo aad ka joogto
Riix Halkaan si aad
Free ugu wacato Aduunka
Maxamed Cali Madka
madkacali@hotmail.com
Tel: 00252-61-5573762
00252-61-5543833
00252-62-336003
Mogadishu-Somalia
BACK TO HOME
FG: hadaba si aad ugu qeyb qaadatid dhismaha
masjidka Jaamaca Baydhabo waxaad ugu hagaajin kartaa wixii qarashaad ah.
Dahabshii = D0009350
Bakaal=BA1003
Amal = 0508-04-45721-1001
Fiiro gaar ah: Gololey waxay soo
dhoweyneysaa aragtidaada, mar walbana Aragtidaada waa Muhiim.