Home

Contact us

City Voice Radio

Downloads

Heeso

Gabayo

 

 

Haweenay dacwad la yaab leh ku soo oogtey Shineemo (Sheeko qosol leh)2

 
 
BBC 11:00-11:15
BBC 14:00-15:00
BBC 18:00-18:30
 
 

Ku Xayeysiiso Gololey Dhamaan Ganacsigaaga, Qiimo Jaban, la xiriir Hadda xafiiskamuqdisho@hotmail.com ama gololey@gmail.com

Tikidhada Jubba Airways meel kasta aad joogto ka goos website-keeda Riix Halkaan

Shirqoolkii Shabaabka oo fashil ku dhaw, iyo Sheekadii  Dowlada oo inay Sharci Noqoto u dhaw Iyo Shacabkii oo inuu Tooso u dhaw,

Waxaa la daabacay: Arbaco, 6 October 2010, 1:10 PM -Gololey Post,

Waxaa ku badan hadalhaynta bulshada iyo saxaafada laba arimood oo kala ah xulashada ra,iisal wasaaraha iyo khilaafka alshabaab bal hadaba aan falanqaynayo dhaxalka labadaa arimood is bedelkooda laga helikaro , sheekada ayaa ah mid aad u xasuus badan oo dadka qaarna taabanaysaa Qaarna fajac ku reebaysa qaarna wali ku mashquulsan yihiin maxsuulka ama natiijada ka iman karta. 

Waxaa mudo laga joogo konton sano ka dhaxeeyay  gacansaar siyaasadeed  deegaamada  puntland iyo muqdisho iyagoo is fahan siyaasadeed iyo isgaashaanbuuraysi ka dhaxeeyay ayaa hadana waxa jirtay in qolo waliba leedahay ujeedo gaar ah oo iyada danteeda ku saabsan waxaa labada deegaan ay noqdeen labada deegaan ee ugu nasiibka badan dhinaca maamulka wadanka iyo  jagooyinka ugu sareeyaa iyada oo qolo waliba haysato cadad ama tiro  gooniya,  qolada muqdisho ayaa ku hogaaminaysaa   Sadex madaxweyne  iyo laba Ra,iisal wasaare, iyo madaxweyne ku xigeen. halka qolada barina haysato laba madaxweyne iyo sadex ra,iisal wasaare ,  waa arin cajiiba haddii loo sii dhabo galo  waxaana jira  isfahan iyo isfahandaro labadaas deegaan  kala haysta  taasoo ah sidan.

 1:- Isfahan  ah inay isu codeeyaan iskuna taageeraan cugashada ama  doorashada qoloba qolada kale  oo xeerkani ka dhaxeeyay ilaa 60kii  iyada oo dhamaan madaxdooda inta badan fuliyeen axdigan ku dhisan danta labada deegaan.

2:- Isfahan daro  marka laga reebo dowladii ugu horeysay waxaa cad in laba waliba oo markaas  madax ka ah dalka ay is khilaafaysay  iyaga oo khilaafkooduna ahaa  mid aan laga gaadhin xal iyo isfahn ku dhamaada is jiid jiid   dagaal iyo jilba murux aan lahayn isu tunaasul oo marba deegaan loo awood sheegto  daacayad iyo digashona ay ku reebto.

Hadaba waxaa hada dadka hadalkiisa ku badan in giiraanta siyaasadu isbedelayso oo  waji cusub  oo siyaasadeed soo socdo ay iman doonto isbedel gaashaanbuuraysi siyaasadeed oo ka duwan kii hore iyada oo xilka Ra,iisal wasaaraha loo saadaalinayo  deegaamo kale oo soomaaliyeed oo iyaguna u taagan inay ka soo qayb galaan  loolaanka siyaasadeed ee mudada ku wareegayay laba gobol oo kaliya in la helo  is bedel cusub oo keena waji cusub iyo siyaasad iyo dhaqaaq cusub (isku daalnaye maxaa inoo dana  

Waxaan sugnaaba waa isbedelka 50 sano ee soo socda ee siyaasadeed iyo jawiga cusub ee aynu la jaanqaadi doono. Taasi haddii ay dhacdo waxaa iman doonta in dowladu noqoto mid sharci ku taagan una dhaxaysaa shacabka soomaliyeed qof walbana lagu xusho kartidiisa iyada oo wareega labaadna loo gudbi doono doorasho xor ah , oo ay meesha ka bixi doonto   nin jeclaysiga , iyo ahdaaftii siyaasadeed ee ku salaysnaa  kala qaybinta  shacabka soomaaliyeed.

Waxaa kale oo aad iyo aad loo hadal hayo waa  khilaafka ba, an ee soo kala dhexgalay  kooxda shabaab oo aad moodo arin qoloba si u fahantay,  arin qolo ku faraxday qolona ka xumaatay qolona ku toostay qolona u qaadan waa ku noqotay.

 Hadaba waayo shabaab  xagayse ka soo jeedaan. 

1:- koox  loo soo tabaray  dhibaataynta iyo dheelaynta umada muslinka ah oo soo bartay diinta islaamka oo ajaaniba isuna ekaysiiyaa muslimiinta lagana soo diray kaniisado iyo wadamo asal ahaan neceb islaamka,

2. qolada kalena waa qolo calooshooda u shaqaystayaal ah oo fuliya ujeedada  dadkaas iyaga oo  og waxay sheegayaan iyo waxaay qabanayaan inay yihiin wax aan diinta islaamka sal iyo raad ku lahayn ayay hadana banaystaan iyaga oo sidii dabeecadii yuhuuda bedelayaa macnaha iyo ujeedka  aayaadka quraanka iyo axaadiista. 

3:- qolada sadexaad waa qolyo isku jira oo siran iyo kuwo naf biday oo markii hore ku qabay  umada ay la noolyihiin dulmi badan ka dibna u arkay xalka keliya ee ay dulmiga kaga bixi karaan inay kooxdan taageeraan, iyo qolyo aan aqoontooda iyo garaadkoodu ku filnayn oo filinka dhab ahaan u metelaya. Qolyo  sheekadoodu tahay   dadkaaga dhinac ka raac oo aan sii fogayn hadba qoladii badan iska raaca. 

Waa kuma hogaamiye  Godane

Waxaa la yidhaahdaa   axmed cabdi  godane oo deegaan ahaan ka soo jeeda deegaanka  somaliland laysku  yidhaahdo hadaad raadiso taariikhdiisa waxaad ogaanaysaa inuu ahaa  nin burcada ama qowlayste ah calooshiisa u shaqaysta ah oo dhac iyo  dil iyo boob badan  soo gaystayn deegaankiisa ka ah  nin danbiile ah oo aan xitaa tegi karin sumcad iyo taageerona ku  haysan dadka reer somaliland  waxaa cad inaysan fekerkaas la qabin waayo  bulshada somaliland  ayaa  waxay  ku caan yihiin  umad jecel nabada iyo wada noolaanshaha  .axmed  cabdi godane oo ku caan ah  wanjalaada ama shirqoolka  dilalka qorshaysan , sida dialka waxgaradka , aqoonyahanka, culumada, iyo  dhamaan qaybaha bulshada oo dhan,  axmed cabdi godane  ayaa  waxuu soo caan baxay ka dib markii uu khaarajiyay  saaxiibkiis aadan xaashi cayroow oo loo tiriyo inuu ka danbeeyay  axmed godane arinkaas. Maadaama uu yahay  xubin ka tirsan sirdoonka dowlada israa,iil ee uu sida tooska ah ugu xidhan yahay  oo  dakhliguna  ka soo galo .

Axmed Godane   kooxdiisa ayaa waxuu ku hantay laba arimood

1:- inuusan  jirin wax colaada oo ka dhaxaysa ama dhexmartay deegaanka uu ka soo jeedo iyo kan uu dhibka ka wado. Waa koonfur iyo waqooyiye, oo aysan jirin utun  ama godob colaadeed oo dhexmartay dagaaladii sokeeye sidaana lagu aaminay dadka qaarkiisa  una arkaan inuusan wadin gumaad iyo xasuuq  ku salaysan aargoosi..

2 :- isaga oo haysta ama ay soo gasho  hanti iyo dhaqaale  u kala qaybiyo kooxda shabaab hadba kii ka hor yimaadana si lama filaana u khaarajiya sida aan maqalnay , waxaa dhacay qaraxyo badan oo dhexdooda ay isu dhigaan oo masuuliyiin  kaga dhimato iyo iyada oo qaarkood la duqeeyo oo weerar dibada ah lagu dilo. 

Sida aan wada ognahay aduunku waxuu gaadhay heer  dadkaad doonayso inaad dan ka fushato inaad hesho koox  iyaga ka mid ah oo kuu adeegta iyaga oo ku shaqaynaya  fekerkaaga iyo ujeedadaada siyaasadeed dadka qaarkood ayaa qoraalkaygan la yaabaya waxayna markhaati ka yihiin in sirdoonka aduunka laga helo qowmiyad kasta iyaga oo qaarkood wadankooda hawlgalo ka fuliyaan markaas axmed godane waa Agent, ama Xubin ka mid ah kuwaas.

Waxaa cadaynaysaa inuu yahay xubin ka mida sirdoonka yuhuuda in uu xidhiidh la leeyahay Ereteriya oo ah wadan ay yuhuudu usoo mariso saanada ciidanka, hubka iyo dhaqaalahaba   .

Dhaqaaalaha ka soo gala dhinaca yuhuuda ayaa ah mid aan la qiyaasi karin oo badan  waana tan sababtay awooda iyo baaxada ciidan inuu ku maareeyo ee  tiradaas leh mana ah sida dadka qaarkood aamisan yahay dhaqaale jaaliyad ama kooxi dirto ama ganacsade mid lagu maarayn karo  waxaas oo dhanso dhaqaalaha dalka gudihiisa  ka soo galaana  hal maalin ma kaafiyi karo dhamaan ciidanka godane ama kooxda shabaab. 

Taas waxaa  markhaatigeeda furaya dowlada KMG oo aduunka oo dhami lacag iyo ciidan iyo saanad ugu deeqay inay socon wayday ciidankeeduna mar walba ka goosto dhaqaale xumo darteed iyo mushahaaro la,aan ama gadoodo ama dadka iyo maatida dhaco.

Halka  axmed godane iyo kooxdiisa shabaab   bishiiba ay soo gaadho dakhli  dhan dhan 100. Bilyam oo maraykan ah oo laga keenay wadanka israa,iil oo loogu talagalay inay ku fuliyaan hawlaha ciidan

Taas oo ujeedadeedu tahay in lagu baa, biyo halqabsiga umada soomaaliyeed ee ah inay yihiin 100% muslim  lagana waayo aduunka korkiisa umad ama wadan 100% muslina   dowladaha isir ahaan neceb  islaamka ayaa dhaqaale iyo  wax walba kubixiyaan  si umadaha islaamka ahi  u nacaan diintooda  ugana cararaan wadamadooda si loo helo jiil cusub oo iyaga oo bedelma , marka lagu dhibaateeyo magaca diintooda iyo caqiidadooda islaamka , iyada oo laga beensheegayo laguna sameeyo xadgudubyo  iyada oo looga dhigayo diinteena  wanaagsan ee islaamka  wax aan naxariis lahayn , horumar lahayn, nabad lahayn in dadka caamada ah ee aan aqoonta diinta u lahayn oo dhami helaan qiil ay kaga baxaan diintooda ama ku fadeexadeeyaan sida hadaba  rag iyo dumar soomaaliyeed ku soo caan baxeen.

Hadaba  labadii xaqdaro ku heshiisa  xaqaa isku dira  waxaa  la gaadhay waqtigii ay sheekadoodu qarxi lahayd  arinkooduna dhamaan lahaa umuda sirana ogaan lahayd

Taas oo muujinaysaa in shirqoolkii shabaab  iyo shuhubkoodiiba ku dhamaanayo wadadii lagu yaqaanay  dadka hadimada iyo waxyeelada ku heshiiya(booraamo hadimo ha qodin ku dhici doontaana moojiye)  .

Waxaad moodaa in shacabkii u muuqdaan kuwo kala garanayaa dantooda iyo dhibkooda waayo shacabka soomaaliyeed waxaa  mar walba durbaanka u garaacaan  ninka dilayaa ee duminaya ee dalkooda iyo diintooda dhibaya iyada oo qaab  isir nacayba la kala dhex dhigay qofkuna uusan eegayn qofka dadnimadiisaa  wadaniyadiisa iyo hawlkarnimadiisa ee uu markiiba  eegayo meesha uu ka soo jeedo deegaankiisa , beeshiisa, iyo xidhiidhka ka dhaxeeyaa  dhinaca kale kan uu taageerayo   aanu eegayn qofka yahay sumcadiisa  dhaqankiisa diintiisa  inuu yahay daalim ama tuug  dilaal wada dano shisheeye iyo in kale  ee uu eegayo  ee eegayo dhinaca  beesha uu ka soo jeedo inuu yahay ama beel gacan saar  la leh.

Haddii shacabku arintan ka waantoobi lahaa  waxaan imaan karta isfahan dhexmara umada soomaaliyeed iyo in loo gudbo wareegiin nabada , horumarka, dhismaha, dowladnimada, iyo wanaaga nololeed oo dhan lagu heli lahaa.

Hadaba waxaan dhawrnaaba waa  doorka khilaafku ku dhamaado, iyo doorashada Ra,iisal wasaaraha iyo dedaalka shacabku u galaan noloshooda sanadkan dhamaadkiisa iyo kan soo socda  bilowgiisaa

Sanadka soo socda oo u eg sanad umada soomaaliyeed uga duwanaan doono sanado badna oo madoobaa oo ay soo mareen  guushiina la gaadhay waqtigii hadii la gaadhay sanadkii 20aad

Waa inaan ka taxadarnaa in sanadka 21aad lagu gaadho dhibaato iyo dagaal mar kale .

Ugu danbayn  waxaan leeyahay, baarlaamaanku haduu daacad noqon lahaa, shacabkuna dantooda ogaan lahaayeen , madaxweynuhu danta guud wax walba ka hormarin lahaaa, mucaaradku af iyo qalin ku doodi lahaayeen, dadkuna dalka iyo dadka u sinaan lahaayeen  dunida ayaan wax la qaybsan lahayn soomaaliyeey.

 

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

BACK TO HOME

FG: hadaba si aad ugu qeyb qaadatid dhismaha masjidka Jaamaca Baydhabo waxaad ugu hagaajin kartaa wixii qarashaad ah.


Dahabshii = D0009350
Bakaal=BA1003
Amal = 0508-04-45721-100
1

Fiiro gaar ah: Gololey waxay soo dhoweyneysaa aragtidaada, mar walbana Aragtidaada waa Muhiim.

 Contact us: gololey@gmail.com  ama xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Wararka kale ee Maanta Jira

arrow1.jpg (764 bytes)Dhaqaatiirta caafimaadka ee magaalada Dhuusa Mareeb oo ka digay dawooyinka sida qaldan loo adeegsado2/10/10
arrow1.jpg (764 bytes)Maamulka degmada X/Jajab ee DKMG oo ka war bixiyay howlgaladii u dambeeyay ee laga sameeyay degmadaasi2/10/10
arrow1.jpg (764 bytes)Xildhibaanada kudlada ee baarlamaanka DKMG oo ku baaqay in la baaro dowladaha taageera xoogaga hubeysan 2/10/10
arrow1.jpg (764 bytes)Wasiirka warfafinta:” Waa in haweenka sedexda jago ee dowlada ugu sareysa hadaan la wada siin mid laga siiyo, Haweenka ayagaa Ragga ka fiican.01/10/10
arrow1.jpg (764 bytes)Shil gaari dhimasho iyo dhaawac geestay oo ka dhacay magaalada Muqdisho01/10/10
arrow1.jpg (764 bytes)Golaha dhaqanka Islaamiga B/Hawiye oo cambaareeyay shirarkii caalamiga ee looga hadlayay arrimaha Somalia01/10/10
arrow1.jpg (764 bytes)Koror ku yimid biyaha wabiga Shabelle oo walaac xoogan laga muujinayo deegaano ka tirsan gobalka Sh/Hoose01/10/10
Wasiirka warfaafinta, Yariisoow oo Gabdhaha saxaafada kula dhex dhacay dhaqan xumo, Daawo Sawirada Gabdho uu xogheyno ka dhigtey oo is dhaqan bedelay...23/09/10

Ma Rabtaa laptop-yo Raqiis ah, Riix halkaan.

Wararkii Hore Hadaad Rabto in aad aqriso Riix Halkaan
BACK TO HOME

Mucjisooyinka Aduunka iyo Qoraalada Cilmiga

Xaarka oo noqdey Kenya wax la isku dhaco. (Maxay tahay sababta) Nin cunay 22 dib qalooc. Yaab badanaa!!
Ninka dunida culus, Maxaad ka taqaan

Qoyska dunida ugu timaha dheer

Naagta dunida ugu dheer(Yey u dhalatay)

Dadka Muqdisho oo ay Qal-Qal geliyeen Taleefano Haddii la qabto lagu dhimanayo.

 

Riix halkaan si qoraalo badan u hesho oo la xiriira

Daawo Qeybtii 2-aad sawiradii wasiirka warfaafinta oo dhaqan xumo kula dhex dhacay gabdhaha RAdio Muqdisho..

 
 
 
 
  Free counter and web stats