Kooxihii dhowaan
shaqaalaha gar-gaarka ka afduubay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo
waramayaa in lala dagaalamay, xilli saacadihii la soo dhaafey la xir
xiray rag lala xiriirinayo in ka mid ahaayeen.
Deegaanka Xiin Lebi ayay
wararku sheegayaan in iska hor imaad uu ka dhacay, kadib markii ay is
qabteen maleeshiyadii afduubatay shaqaalaga gar-gaarka iyo kooxo kale oo
hubeysneyn.
Warar hor dhac oo soo
baxay ayaa xaqiijinaya isku dhaca, hase yeeshee kooxda la dagaalantay
afduubayaasha ayaan la ogeyn in ay abaabulnaayeen iyo in kale.
Shalay ayaa la soo xir
xiray sedex qofood oo mid ka mid ah uu ahaa madaxii amniga Hay’adii
shaqaalaha laga afduubay, kaasi oo la tuhunsan yahay in uu arrimaha
afduubka wax ka ogaa.