QODOBKA
3aad:
Xarunta xisbiga
Xarunta
xisbiga si ku meel gaar ah waa Manchester ee dalka Ingriska.
QODOBKA
4aad:
Xubinimada xisbiga
Waxaa
xisbiga xubin ka noqon kara muwaadan kasto oo u dhashay Gobolada konfur
Galbed Somalia oo da’diisu gaartay 15 sanadood oo aaminsan mabaadi’da
xisbiga, kuna dhaqma xeerarkiisa.
Aqbalaada
codsiga xubinimada waxaa leh guddiga degmada uu ku nool yahay. Xubin
kasta waxay bixinaysaa ishtiraak joogta ah bisha oo qaddarkiisa
goydoono Guddiga joogtada ah ee Xisbiga. Qofkii aan awoodi karin waxaa
dhaafi kara guddiga degmada.
QODABKA
5aad:
XUQUUQDA IYO WAAJIBAADKA XUBINTA
Xubinta
waxay xaq u leedahay inay ka qayb qaadato Hawlaha maamul iyo siyaasadeed
ee xisbiga, waxaana ku waajib ah inuu ilaaliyo ujeedooyinka iyo xeerarka
xisbiga, dhawrana Dastuurka iyo Xeerarka u degan Dowladda Federalka
Soomaaliyeed.
QODOBKA
6aad:
QAABDHISMEEDKA XISBIGA
1.
SHIRWAYNAHA
XISBIGA ee Gobolada.
2.
HOGAANKA
XISBIGA ee Gobolada.
3.
QAABDHISMEEDKA XISBIGA ee Degmooyinka.
QODOBKA
7aad:
Shirwaynaha xisbiga
1.
Shiwaynaha
Xisbiga waa hay’adda ugu saraysa xisbiga, waxaana la qabanayaa shantii
sano (5) mar. Waxaa isugu yeeraayo Gudoomiyaha xisbiga.Hadii mudada
shirwaynuhu uu dhamaato, Gudoomiyaha gudan-waayo waajibkiisa waxaa soo
jeedinaya 31 xubnood oo ka mid ah golaha dhexe, waxaana lagu ansixinayaa
cod hal dheeri ah ee G/Dhexe. Hadii loo bahdo Shirwayne aan caadi ahayn
waxaa loo maraya dariiqa kor ku xusan. Shirwaynaha waxaa soo diyaarinaya
guddi qabanqaabo oo ay soo magacaabeen Guddiga Fulinta, lagana ansixiyay
G/Joogtada ah.Shirwaynuhu wuxuu iska dhex-dooranaya SHIRGUDOON (9
xubnood) oo daadihisa hawl maalmeedka Shirwaynaha, kuwaasoo ka
koobnaanaya Gudoomiye (1), G/ku xigeenno (2), iyo (6) xubnood
2.
Tirada guud
iyo saamiga ergooyinka cod-bixiyaasha shirwaynuhu ee deegmooyinka waxaa
soo jeedinaya Guddiga Qabanqaabada, waxaana ansixinaaya Guddiga Joogtada
ah.Tirada guud waxay ka koobnaanaysaa xubnaha Golaha Dhexe iyo xubno
laga soo doortay Degmooyinka Gobolada Konfur Galbeed iyo Dibaddaba.
3.
Awooda
shirwaynuhu waa inuu dajiyo Xeerka Xisbiga iyo inuu soo qadimo
barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga, islamarkaana uu doorto Xubnaha
Dhexe, Gudoomiyaha Xisbiga iyo Ku/xigeenadiisa (2), ku waasoo mudada
xilkoodu yahay (5) sano.
QODOBKA
8aad:
Qaabka doorashada Shirwaynaha ee Golaha dhexe
Musharaxnimada jagada Gudoomiyaha iyo G/-ku-xigeenadiisu (2) waxay
noqonaysaa mid mataanaysa, waxaana ku gulaysanaaya mataanaha wareega
hore hela cod ka badan kala bar tirada ergada Shirweynaha ee
codeeyay.Hadii cidna ku guulaysan-waydo wareega koowaad, labada lamaane
ee ugu tirada badan ayaa wareeg labaad laysku celinayaa.Waxayna ku kala
baxayaan cod hal dheeri ah.
Xubnaha
Golaha dhexe waxaa soo xulaya ergada Degmooyinka u fadhisa Shirweynaha,
ayagoo ku salaysan saami-qaybsiga xeerka Doorashada Deegaanka, waxaana
lagu ansixinayaa Shirweynaha.
QODOBKA
9aad:
HOGAANKA XISBIGA (GOBOLKA)
1.
Golaha
Dhexe wuxuu ka koobanyahay xubnood.
2.
Guddiga
Joogtada ah oo ka kooban xobnood oo laga soo dhex doortay Golaha
Dhexe.
3.
Guddiga
Fulinta xubnood oo ka tirsan G/Dhexe oo kala ah:
a)
Gudoomiyaha
Xisbiga
b)
Gudoomiya
ku xigeenada
c)
Xoghaayaha
d)
Gudoomiyaha
garabka haweenka iyo K/xugeenkeeda.
4.
Qaabdhismeedka xisbiga heer degmo iyo xeerka maamulkooda waxaa soo
jeedindoona Guddiga Fulinta,waxaana ansixinaya G/Joogtada ah.
QODOBKA
10:
AWOODAHA HOGAANKA XISBIGA
Golaha Dhexe ee Xisbiga:
Golaha
Dhexe ee Xisbiga waa hay’adda ugu saraysa Xisbiga mudada labada
shirweyne dhexdooda, waxayna leedahay awooda hogaaminta Xisbiga iyadoo
adeegsanaysa xeerka Xisbiga, fulinaysana go’aamada ka soo baxa
Shirweynaha Xisbiga.
Wuxuu
dabagal ku sameeyaa dhamaan hawlaha Xisbiga, wuxuuna awood u leeyahay
inuu dajiyo xeer hoosaadyo iyo sharuuc, si loo fuliyo hawlaha Xisbiga.
Golaha Dhexe wuxuu xilka haynayaa muddo sanadood ah. Kal-fadhiyada
Golaha dhexe waxay noqonayaan 2 sano mar.Golaha Dhexe wuxuu iska dhex
dooranayaa kal- fadhigiisa kowaad Gudoomiyaha G/Dhexe iyo xubnaha
Guddiga Joogtada ( xubnood) kuwaasoo qabanaya howlaha Golaha Dhexe
dejiyay, inta u dhexeesa kal-fadhiyada.Wixii arrimo ah ee la soo darso
Xisbiga labada kal-fadhi dhexdooda, waxaa si wadajir ah ugu go’aminaya
cod hal dheeri ah labada gole Fulinta iyo Joogtada. Hadii loo baahdo
kal-fadhi aan caadi ahayn ee G/Dhexe, waxaa isugu yeeri kara Gudoomiyaha
Xisbiga ama 1/3 xubnaha G/joogtada.
Gudoomiyaha iyo Gudoomiya ku Xigeenada Xisbiga
a.
Gudoomiyaha
Xisbiga waa hogaanka guud ee Xisbiga, waa Gudoomiyaha Guddiga Fulinta.
Wuxuu jihaynayaa dhammaan howlaha Xisbiga, isagoo ka tilmaan qaadanaya
go’aamada Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta.
b.
Gudoomiye
ku-xigeenada Xisbiga oo kala ah koowad iyo labaad, waa kaaliyaasha
Gudoomiyaha, waxayna fulinayaan wixii howl ah uu u igmado Gudoomiyahu,
ayadoo loo kala qaybinayo isu-duwidda howlaha guddida fulinta.
Gudoomiye ku-xigeenka kowaad wuxuu buuxinayaa kaalinta Gudoomiyaha marka
uu maqan yahay.
c.
Hadii
Gudoomiyaha geeri ku timaado ama howshiisa gudan kariwaayo ama is casilo
waxaa xilkiisii qabanaya Gudoomiye ku xigeenka koowaad.Hadii Gudoomiye
ku xigeenka kowaad ay ku timaado xaalad taas la mid ah, Gudoomiye ku
xigeenka labaad ayaa kaalintiisa buuxinaya.Hadii labada Gudoomiye ku
xigeenada ay ku timaado xaaladaas oo kale waa in lagu qabtaa Shirweyne
Xisbi muddo saddex bilobo gudahooda ah,xubinta ugu da’weyn Guddiga
Fulinta ayaana xilka sii haynaya.
d.
Ururka
wuxuu yeelanayaa Xisaabiye Guud, Khasnaji , Xoghaaye Guud iyo Af-Hayeen,
WAXAANE MAGACAABAYA Gudoomiyaha Xisbiga.
e.
Guddiga
Joogtada ah waxay magacaabi karaan markii loo baahdo Hanti-Dhowre
madax-banaan.
QODOBKA
11:
Musharaxnimada jagada Gudoomiyaha Xisbiga
Jagada
xilka Gudoomiyaha Xisbiga waxaa u tartami kara xubin kasta oo ka tirsan
xisbiga, buuxisana shuruudaha ku qeexan xeer-hoosaadka Xisbiga.
Gudoomiyaha Xisbiga ee waqtigaas xilka haya ama Gudoomiye ku-xigeenka,
hadii uu doono inuu ka qayb qaato tartanka musharaxnimada jagada
Gudoomiyaha Xisbiga, waa in uu iska casilo xilka Gudoomiyaha Xisbiga
muddo 1 sano (12 bilood) ka hor. Jagada Gudoomiyanimada waxaa si
haynaya, si ku-meel gaar ah Gudoomiye ku-xigeenka aan musharaxa
ahayn.Hadii labada Gudoomiya ku-xigenada ay isa soo sharaxaan waxaa
xilka Gudoomiyanimada ee xisbiga si ku meel gaar ah sii haynayo xubinta
ay markaas soo doorato Guddiga Dhexe.
QODOBKA
12:
Anshax-marinta
Dacwada
waxaa lagu qaadayaa heerka ama goobta ay ka dhacday xad-gudubku, waxaana
qaadaya heerka qaab-dhimeedka ee ay markaas saamayso.Qofkii ku qanci-
waaya xukunka ku dhacay waxuu xaq u leeyahay inuu jaranjarada ka saraysa
taa xukuntay uu u dacwoodo,si si dib u eegis loogu sameeyo.
QODOBKA
13:
Wax ka
bedelida Xeerka Xisbiga waxaa iska leh Shirweynaha Xisbiga.
FIIRO-GAAR AH:
Dhammaan
hogaanka iyo howl-wadeenada Xisbiga ee waqtigaan, waxay si ku meel gaar
ah u haynayaan xilal kaas inta laga gaarayo Shirweyna xiga
diiwaan-gelinta.
DHAMAAD
FG: hadaba si aad ugu qeyb qaadatid dhismaha
masjidka Jaamaca Baydhabo waxaad ugu hagaajin kartaa wixii qarashaad ah.
Dahabshii = D0009350
Bakaal=BA1003
Amal = 0508-04-45721-1001