|
Lt.
Jeff Duhmaell oo Saxaafada la hadlayay waxuu sheegay inay arrintaan
tahay tii ugu xumeed ee Noloshiisa uu la kulmo, waxuuna xusay inuusan
garaneyn wax ay sameeyaan xiligaan arrintana walaac gooni ah leedahay.
“Edyan, markii ay
guriga timid aragtayna meydka labadeeda Caruur ayay dibada mar usoo
baxdaa marna gudaha gashaa, Gabar Soomaaliyeed oo ay Daris yihiin ayaa u
timid weyna u diiday inay guriga gasho, kadibna gabadhii oo aragtay inay
wax uun jiraan ayaa wargalisay Edyan Faarax nin u adeer ah oo ay daris
ahaayeen kaasoo markii dambe galay guriga soona wargaliyay Booliska”
ayuu yiri Lt. Jeff Duhmaell.
Aabaha dhalay
Caruurtaan geeriyootay oo dhowr Toddobaad ka hor tagay dalka Soomaaliya
si uu booqdo Waalidkiisa ayaa lagu wargaliyay arrintaan Naxdinta leh ee
gurigiisa ka dhacday, waxuuna si degdeg ah Toddobaadkaan ugu soo
noqonayaa magaalada
Indianapolis ee
Gobolka Indiana ee dalka Mareykanka.
Edyan Faarax ayaa
xiligaan la duldhigay lacag dhan $200.000 oo Dolllar oo damiin deys ah,
kamana bixi karto gudaha dalka Mareykanka inta Kiiskeeda meel la saarayo,
waxaana lagu soo oogay labada dambi oo kala ah inay Dayacday caruurta ay
mas’uulka ka aheyd kadibna sababtay geerida ku timid.
Dowlada Mareykanka
ayaa la wareegtay saddexda Caruur ee Edyan Faarax u badbaaday kuwaasoo
kala ah gabar 7 jir ah iyo laba wiil oo 5 jir iyo hal sano jir ah, ayaa
hadda waxaa heysa oo daryeeleysa dowladda.
Arintaan
ayaa noqotay tan ugu hadal-heynta badan gudaha dalka Mareykanka xiligaan,
iyadoo dowlada Mareykankana gaar ahaan waaxda Daryeelka Caruurta
bilaabeen inay Kormeeraan guryaha Soomaalida degan yihiin si loola socda
qaabka Caruurta ay u korsadaan
Xigasho:xogta.com
Contact us:
gololey@gmail.com ama
xafiiskamuqdisho@hotmail.com |