Burcad badeeda ayaa u qabtay mulkiilayaasha iyo
Ehelada lahaystayaasha mudo 2 maalin ah,iyadoona hadii aanay labadaasi
Maalin kusoo gaarsiin lacagaha ay dalbadeen ay sheegeen in ay ku
dilayaan.
Lacag 1 Million oo doolar kor u dhaafaysa ayaa Burcad
badeeda ka dalbadeen Markabka iyo shaqaalaha saaran,iyadoona aan la
ogayn sida ay ku suurta galayso mudo labo maalin ah in lacagtaasi ay ku
gaarto.
Mulkiilaha Markabka ay Burcad badeedu saaran yihiin
ayaa xiriir uu la sameeyay Burcad badeeda u sheegay in uu bixinayo
350,000 doolar,iyadoona lacagtaas ay Burcad badeedu ganafka ku dhufteen.