Home

Contact us

City Voice Radio

Downloads

Heeso

Gabayo

 

 

Live Score- Sport
BBC 11:00-11:15
BBC 14:00-15:00
BBC 18:00-18:30
 
 

Ka baaro Macluumaadka aad dooneysid Google, kuna qor waxaad doonto

 

Tikidhada Jubba Airways meel kasta aad joogto ka goos website-keeda Riix Halkaan

Dagaal culus oo Gobolka Hiiraan saakay ku dhaxmaray xogooga Ahlusunna iyo Xarrakada Al-shabaab

Waxaa la daabacay Khamiis,16 june 2011, Gololey Post
ku Shubo Mobile-kaaga opera Mini ku Shubo Mobile-kaaga Magacyada Alle
Kadib dagaal qaar oo maalintii shalay qeybo kala duwan oo ka tirsan goballka Hiiraan ku dhaxmaray xoogagga xarrakada Mujaahidinta Al-shabaab iyo Ahlu Sunna Waljameeca, waxaa uu saakay mar kale dagaallku ka qarxay kana sii socdaa deegaannadii maalintii shalay leysku fara saaray.

Deegaannka Hees oo ka tirsan goballka Hiiraan kana mid ah goobihii maalintii shalay lagu dagaallamay ayaa lagu soo waramayaa in saakay mar kale uu dagaal culus ka socdo kaasoo u dhaxeeya xoogaggii maalintii shalay dirirtu dhaxmartay.

Dagaallka saakay mar kale dhacaya oo u muuqda mid qorsheysan ayaa dhinaca kale waxaa bar bar socda xiisado ka taagan deegaanno ku dhaw dhaw magaalada Beledweyne oo sidoo kale maalintii shalay ay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya xoogagga ka dagaallama goballka iyo xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Yuusuf Axmed Hagar ''Dabageed'' oo horay u ahaan guddoomiyihii maamulka goballka Hiiraan oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dagaallada socda dhinacooda ku lug leeyihiin, isaga oo intaa ku darray in ay khasaare balaaran sida uu hadalka u dhigay gaarsiiyeen xoogaggii ay dagaallka la galeen, waxaana uu intaa ku darray in uu dagaallku sii socon doono ilaa ay la wareegayaan guud ahaa goballka Hiiraan.

Dhinaca kale Afhayeenka dhinaca howl-galada u qaabilsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa warabaahinta u sheegay in dagaalladii shalay ka dhacay goballka Hiiraan ku gacan sareeyeen dhinacooda, waxaana uu intaa ku darray Shiikh C/siis Abuu-muscab oo ah afhayeenka u hadllay Al-shabaab in ay kala eryeen sida uu hadalka u dhigay kooxihii dagaallka la galay.

Marka laga soo tago sheegashada labada dhinac iyo guulaha la kala sheeganayo, ilaa hadda ma jiraan warar madaxbanaan oo ka hadllaya dagaallka sababo la xiriira dhinaca Isgaarsiinta iyo dhulka lagu dagaallamayo oo ah dhul Mii ah oo ay adag tahay in xog bada laga hello.

Dagaallkii maalintii shalay dhacay ayaa waxaa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii is farsaaray, waxaana la leeyahay dhimashadu waxaa ay kor u sii dhaafeysaa 15 ruux

 BACK TO HOME

  Contact us: gololey@gmail.com  ama madkacali@hotmail.com

Qoraalo kale

Maxaad ka taqaan wadanka ugu sigaar cabida badan Caalamka?. Raga British-ka ah oo isqurxinta kaga batay
Burcad badeeda oo ku goodiyay dilka Rag saraan Markab dhowaan ay afduubteen. arrow1.jpg (764 bytes)Haweenayda Dunida ugu geesisan

arrow1.jpg (764 bytes)Darawal Wargeysyada iyo Buugaagta Aqriya isagoo gaari wada

   
 
 
  Free counter and web stats