Home

Contact us

City Voice Radio

Downloads

Heeso

Gabayo

 

 

Live Score- Sport
BBC 11:00-11:15
BBC 14:00-15:00
BBC 18:00-18:30
 
 

Ka baaro Macluumaadka aad dooneysid Google, kuna qor waxaad doonto

 

Tikidhada Jubba Airways meel kasta aad joogto ka goos website-keeda Riix Halkaan

Qoysas Barakacayaal dhibaateysan oo Cabanaya.

Waxaa la daabacay Axad,12 june 2011, Gololey Post
ku Shubo Mobile-kaaga opera Mini ku Shubo Mobile-kaaga Magacyada Alle

Xaalad nolol xumo ayaa maagaalada Muqdisho ku heysata qoysas hor leh oo biyo la’aan iyo abaaro uga soo barakacay  deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

 Iyadoo dhawaanahaan magaalada Muqdisho ay ku soo qul qulayeen qoysas barakacayaal ah oo ka soo hayaamay abaaraha ka jira gobolada dalka ayaa hadana saacadihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho waxa soo gaaray qoysas ay heystaan xaalado nolol xumo oo ka soo barakacay deegaano hoostaga degmada Sablaale ee gobolka Sh/hoose.

 Qoysaskaani oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ah ayaa haatan waxa ay ku suganyihiin  xeryo barakacayaal oo kuyaala agagaarka isbitaalkii hore ee Digfeer halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen qoysas kale oo ka soo barakacay abaaraha ka jira gobolada kale ee dalka.

 Qaar ka mid ah qoysaskaasi oo la hadlay Idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in xoolahoodii ay baabi’isay abaartii ku dhufatay gobolka Sh/hoose, iyaguna ay u adkeysan waayeen abaarahaasi taasina ay ku qasabtay in ay nolol ka soo raadiyaan magaalada dagaalada badan ee Muqdisho.

 Qoysaskaani ayaa waxa ay ka codsadeen hay’adaha samafalka, gaacsatada Soomaaliyeed iyo cid walba oo wax heysta in ay gar gaar bini’aadanimo la soo gaaraan maadaama haatan qaar ka mid ah caruurtooda ay heyso nafaqo daro aad u daran

 BACK TO HOME

  Contact us: gololey@gmail.com  ama madkacali@hotmail.com

Wararka kale ee Maanta Jira

BACK TO HOME
Maxaad ka taqaan wadanka ugu sigaar cabida badan Caalamka?. Raga British-ka ah oo isqurxinta kaga batay
Burcad badeeda oo ku goodiyay dilka Rag saraan Markab dhowaan ay afduubteen. arrow1.jpg (764 bytes)Haweenayda Dunida ugu geesisan

arrow1.jpg (764 bytes)Darawal Wargeysyada iyo Buugaagta Aqriya isagoo gaari wada

   
 
 
  Free counter and web stats