|
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa isa
soo tarayay eedeymo dhowr ah oo loo soo jeedinayay kooxaha burcad
badeedka, kuwaasi oo wax walba sicir barar ku sameeyay.
“Waxaa aad iigu yaab badneyd markii
aan arkey nin qolyahan burcad badeedka ah oo dalbanaya in Nin uu u furo
xaaskiisa, maadaama sida uu ku doodayo uu ka helay, lana diyaar yahay
lacag” sidaas waxaa ii sheegay Cabdi Xasan oo ka mid ah dadka ku dhaqan
goob ay ku badan yihiin kooxahan burcad badeedka.
“Wey na rogeen, meel kasta lacag ayay
ku faraqayaan, wax kastana wey nagu qaaliyeeyeen, dumarkii wey haleeyeen’
ayuu mar kale igu yiri, isagoo sheegay in uusan aqoon wax uu ku tilmaamo. |