|
Ugu yaraan 23 qof oo dhaawac ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka degmada
Cadaado, iyadoo dadka dhaawaca ah qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah,
sidoo kale Isbitaalada Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa galabta la
keenay 20 qof oo dhaawac ah kuwaasi oo qaarkood dhaawac halis ah qaba.
Waxaa lagu soo waramayaa in uu hakaday iyadoo saacad walba la filan karo
in uu dib u bilaawdo mana jirto wax xabad ah oo socota balse waxaa laga
cabsi qaba in dagaalku uu dib u bilowdo beri maadama ay wali is
horfadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay, mana jirto cid dhexdhaxaadin
ugu kacdey qaboojinta xiisadah dhiigu ku qubtey.
Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee lagu helaayo dhinaca Isgaarsiinta
ayaa sheegaya in gurmadyo ciidan ay ka kala baxeen deegaanada ay ku
sugan yihiin maleeshiyaadka isku haybta yihiin dhinacyada dagaalamaya,
iyadoo dhiilo iyo xiisado colaadeed laga dareemayo deegaanada Baxdo,
Cadaado, Docoley, Iidoole, Godinlabe, Galinsoor, Bandiiradley, Qaydaro,
Gaalkacyo, Lugu-raqsey & deegaano kale.
BACK
TO HOME
Contact
us: gololey@gmail.com ama
madkacali@hotmail.com |