|
Tuugada
caalamka ayaa intooda badan lagu kala tilmaamaa kuwo kala khibrad badan
xiliga ay doonayaan in ay dhac ama xaditaan gaystaan,iyagoona ka
fikiraya qaabka ay u hanan lahaayeen waxa ay dhacayaan ama xadayaan.
Waxaa
layaab noqotay kadib asbuucyadii aynu soo dhaafnay in mudo labo daqiiqo
ah kadib ay Niman tuugo ah ay hantaan lacag Hal Million oo doolar kor u
dhaafaysa.
Qisadan oo
ka dhacay wadanka Argentine ayaa 5 Nin oo tuugo ah waxaa u suurta gashay
in ay galaan bangi si weyn loo ilaasho oo ku yaala bartamaha caasimada
Argentine ee Biones Aires.
Tuugada
caalamiga ah ee inta badan Bangiyada u dhaca ayaa adeegsada xoog,waxaana
ay mararka qaar khasaaro kasoo gaartaa xiliga ay dhaca gaysanayaan qaar
kamid ah shaqaalaha iyo macaamiisha goobta ay dhaca ka gaysanayaan.
5-tii
tuugada ahaa ee dhaca u gaystay Bangiga ayaa waxaa ay markii ugu
horaysay oo ay bangiga galayeen,waxaa ay mid kamid ah uga tageen afaafka
hore ee banaanka bangiga,iyadoona afartii kale ay gudbeen.
Gudbitaanka Afarta soo dhacday Bangiga ayaa waxaa ay isweydiin mudan
qaabka ay bangiga u galeen,mid kamid ah saraakiishii ilaalada ka ahaa
bangiga ayaa isaga oo uga warbixinaya saxaafada waxaa uu shegay in ay ku
galeen karaka Electronica ee ay shaqaalugu ku galaan,waxaana ay kadib u
gudbeen goobta dhalada ah ee ay hantida qaar ka muuqato,iyadoona kadib
markii ay jabiyeen isla markiiba ay u gacan gashay 1 Million oo doolara
lacag kor u dhaafaysa
Contact us:
gololey@gmail.com ama
xafiiskamuqdisho@hotmail.com |