|
Xirfada
tuugnimada ayaa inta badan dadku waxaa ay qabaan in ay tahay mid siyaabo
kala duwan ay dadku ugu kacaan,iyadoo ay qaarkod yihiin kuwo ay duruufi
ku khasabtay walow ay jiraan kuwo ay xirfad dhab ah u noqotay oo lacago
badan ka sameeyay wado kala duwan oo caalamka ah.
Wadanka
Britain ayaa waxaa todobaadyadii aynu soo dhaafnay la yaab ka noqoday
kadib markii ay booliska wadankaasi soo bandhigeen wiil 7 jir ah oo
looga maara waayay xaditaanka gawaarida.
Sarkaal u
hadlay Booliska Britain oo lagu magacaabo Poll Mayler ayaa saxaafada
usoo bandhigay tirada tuugada khatarta ah ee gudaha magaalooyinka
Britain qaatiga looga taagan yahay.
30 kamid
ah tuugada waaweyn ee qaatiga looga taagan yahay dhaca
gawaarida,fuliyana 90 kamid ah dhacdooyinka xaditaanka gawaarida ayaa
sarkaalku sheegay in uu kamid yahay wiil yar 00 7 jir ah.
Maalmo
kahor waxaanu gacanta kusoo dhingnay ayuu yiri taliyuhu 11 jir dhacaya
gaari marayay mid kamid ah shaaricyada waaweyn ee magaalada
London,waxaana haata ku daba joognaa ayuu yiri wiil 7 jir ah oo caan ku
noqoday dhaca gawaarida.
Pall
Mayler waxaa uu sharaxaad ka bixiyay qaabka uu wiilka yar gawaarida u
dhaco,waxaana uu sheegay in uu wato barkiin buush ka samaysan oo xoogaa
dheer,waxaana uu si sahal ah isaga oo leh xirfada ka xaynta uu ula
dhaqaajiyaa gaariga uu dhacayo.
Wiilkan oo
aan sarkaalku magaciisa xusin ayaa la sheegay in ay layaab ku noqotay
shacabka Britain gaar ahaana kuwo sida aadka ah u isticmaal gawaarida.
Qaar kamid
ah caruurta la da da ah wiilka 7 jirka tuuga noqday ayaa haatan iyaguna
waxaa ay isu diyaarinayaan in ay bartaan gawaari ka xaynta iyagoona
waalidkood ka codsanaya in ay dhiiri galinka helaan
Contact us:
gololey@gmail.com ama
xafiiskamuqdisho@hotmail.com |