| Hay'adda IIDA oo raashin u qeybisay mutadawaciin
qeyb ka ah mashruuca cunto shaqo ku bedelashada
| GololeyOnline: Muqdisho, Talaado13/05/2008 |
Hay'adda
IIDA ayaa raashin u qeybisay dad qeyb ka ah mashruuca cunto shaqo
ku bedelashada ee Hay'adda cuntada adduunka WFP, waxaana Hay'adda
IIDa oo iyadu u xilsaaran fulinta barnaamijkaasi ay degmada Boondheere
ku qeybisay shixnado raashin ah oo isugu jiray Messego, Misir iyo
Saliid dad ka badan 400-Qofood, taasoo ay IIDA si sharaf leh ku
soo gabagabeysay.

Munaasabadda
qeybinta raashinkaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada
Boondheere oo maamulka Hay'adda IIDA ku ammaanay doorka ay ka ciyaartay
habsamida qeybinta raashinkaasi, waxaana goobta raashinka lagu qeybinayay
si weyn u ilaalinayay ciidamada Saldhigga Boondheere ee magaalada
Muqdisho.

Haweeneyda
lagu magacaabo Xaawo Maaxi Maxamuud oo ka mid ah madaxda sare ee
Hay'adda IIDA isla markaana goob joog ka ahayd qeybinta raashinkaasi
ayaa sheegtay in IIDA ay u xilsaaran tahay fulinta mashruuca cunto
shaqo ku bedelashada magaalada Muqdisho, isla markaana aanay ahayn
markii ugu horeysay oo Hay'adda IIDa raashin u qeybiso mutadawaciinta
nadaafadda waddooyinka magaalada Muqdisho.

Mashruuca
cunto shaqo ku bedelashada oo ay waddo Hay'adda WFP, ayaa waxaa
ka faa'iideystay dad ka badan 3000-Qofood, kuwaasoo si aan laalaab
lahayn u helay raashin nooc kasta leh oo hay'addaasi ugu talagashay
in la siiyo dadka mutadawaciinta ah kuwooda ololaha nadaafadda,
waxaana xiriirinta Degmooyinka iyo diiwaan gelinta dadka nadaafadda
ka qeyb qaadanaya hirgeliyay Hay'adda IIDA oo tallaabadaasi u soo
hoysay ammaan loo jeediyay Hay'adaasi.

Dhinaca
kale Mashruucan ay fulintiisa iska kaashadeen labada Hay'adood sida
WFP iyo IIDA ayaa noqday mashruuca kaliya ee qiimaha leh oo soo
maray magaalada Muqdisho, waxaana dib u soo noqday bilicda goobo
fara badan oo ku yaala magaalada Muqdisho, kadib markii laga nadiifiyay
qashin fara badan oo hareeyay, waxaadna arkeysaa laamiyada Muqdisho
inay quruxdoodii soo noqonayaan.
Jabriil
Maxamuud Nuur (Jabra)
Xafiiska wararka Muqdisho ee Gololey Online
webmaster@gololey.com
Ku Laabo
|