| 1877-Arday oo Imtixaanka sanadkan si rasmi
ah uga socdo Dugsiga Mujamac Umal Qura Muqdisho
| GololeyOnline: Muqdisho, Talaado13/05/2008 |
Arday
gaareysa 1877-Arday ayaa waxaa imtixaankii sanadkan uga furmay Dugsiga
Mujamac Umal Qura ee magaalada Muqdisho, waxaana ardaydan oo isugu
jira Dugsiga Sare, Dugsiga Dhexe iyo Dugsiga Hoose, iyadoo ardayda
sanadkan ay u noqotay sanadkii ugu wanaagsanaa, marka laga reebo
labadii sano ee aynu soo dhaafnay oo magaalada Muqdisho ka jireen
dagaallo sababay barakac iyo inay ardayda qaarkood fursad u heli
waayaan ka qeyb galka howlaha Imtixaanaadka.

Prof.
Maxamed Cosoble oo howl-wadeen ka ah Dugsiga Mujamac Umal Quraa
una waramayay Weriye ka tirsan Gololey Online ayaa
sheegay in imtixaanka sanadkan uu bilowday taariikhdu markay ahayd
10/05/2008, isla markaana ku eg yahay 20/05/2008, isagoo rajo wanaagsan
ka muujiyay inay si wanaagsan ku soo gabagaboobayaan ardayda imtixaanaadka.

Xarunta
Mujamac Umal Quraa waa xarun aad u weyn, oo leh goobo kala duwan
sida xafiisyada maamulka, kan macallimiinta iyo fasallo aad u waaweyn,
kuwaasoo isugu jira Dugsiyada Sare Dhexe iyo Hoose, waana tan tirada
ardayda iyo qeybaha ay ka kooban yihiin darajadooda:-
- Dugsiga
sare, ardayda imtixaanka uga socdo waxay tiraado gaareysaa 547-Arday,
tirada fasalkoodana waa: 10-Fasal.
- Dugsiga
dhexe, ardayda imtixaanka uga socdo waxay tiraado gaareysaa 569-Arday,
tirada fasalkoodana waa: 11-Fasal.
- Dugsiga
hoose, ardayda imtixaanka uga socdo waxay tiraado gaareysaa 761-Arday,
tirada fasalkoodana waa: 14-Fasal.
- Totalka
Fasallada waxay ka kooban yihiin 35-Fasal

Ardayda
Dugsiga sare ee imtixaanka sanadkan ku jirta, ayaa kuwooda ku guuleysta
ka qalin jebinaya Dugsigaasi, waxaana maamulaha Dugsigaasi Ustaad
Carabow oo u waramayay Shabakadda Gololey Online uu
sheegay inay saameyn ku yeelatay xaalada ka jirta magaalada Muqdisho,
wuxuuna sheegay inay waxbarasho gefeen arday fara badan, kuwaasoo
qoysaskooda ay ka barakaceen magaalada Muqdisho dagaallada goos
gooska ah ee ka socda awgood, isagoo ku dheeraaday isla markaana
sharraxaad dheer ka bixiyay muhiimadda ay waxbarashada u leedahay
jiilka soo koraya, oo uu sheegay inay ka faa'iideystaan da'dooda
isla markaana ku dadaalaan waxbarashada.

Dhinaca
kale xarunta Mujamac Umal Quraa qeyb ka mid ah waxaa si KMG ah u
degan Jaamacadda Muqdisho, oo iyadu qeyb ka mid ah ardaydeeda u
soo rartay xarunta Waxbarashada Mujamac Umal Quraa, iyadoo ardayda
Jaamacadda Muqdisho ay waxbarashadooda si caadi ah u wataan labada
gelin ee maalintii, hase yeeshee ardayda ka qalin jebisa Dugsiga
Mujamac Umal Quraa ayaa qaarkood hela deeq waxbarasho, sida Jaamacadaha
ku yaala dalka Masar, oo arday ka baxday Umal Quraa dalkaasi Masar
loogu qaaday deeq waxbarasho.
Jabriil
Maxamuud Nuur (Jabra)
Xafiiska wararka Muqdisho ee Gololey Online
webmaster@gololey.com
Ku Laabo
|