Kontakt

Kooxda K/Koleyga Dekedaha oo markii labaad guul ka soo hooyay tartanka Jan.Daa'uud ee ka socda garoonka Lujino

GololeyOnline: Muqdisho, Talaado13/05/2008

Iyadoo weli uu si habsami leh u socdo tartanka ciyaaraha K/Koleyga Jan. Daa'uud ayaa waxaa markii labaad guulois daba joog ah soo hooyay kooxda K/Koleyga Dekedaha, waxaana naadiga Dekedaha kulankii ugu horeeyay tartan uu la yeeshay B/Telecom uu ka badiyay, iyadoo wareegii labaad oo naadiga Dekedaha ciyaar dhex martay Horseed ay afka ciidda u dareen, sidaas oo ay ku hanatay kooxda Dekedaha markii labaad guul ay ka badisay labadii kooxood ee wareeg ahaan ugu soo aaday tartankan.

Labadii jeer ee ay badisay kooxda K/Koleyga Dekedaha ayaa waxaa hambalyo ku aadan ciyaar wanaagga ay la soo baxday kooxda Dekedaha hambalyo u soo diray Guddoomiyaha Naadiga Dekedaha Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo ku sugan dalka dibadiisa, taasoo uu ku gubaabiyay inay halkooda ka sii wadaan isla markaana xusul-duub u galaan sidii ay ku hanan lahaayeen koobka Jan. Daa'uud, maadaama filanka tartankan uu soo dhow yahay.

"Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa macallimiinta kooxda K/Koleyga, anigoo ku boorinaya in dadaalkooda haatan ka muuqda ciyaartoyda ay dhameystiraan isla markaana haddii ay koobka Jan. Daa'uud hantaan taariikhda baal dahab ah ayay ka geli doonaan" ayuu yiri Guddoomiyaha Naadiga Dekedaha Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo ciyaartoyda iyo macallimiinta u ballanqaaday inuu siinayo abaal marino aanu carabaabin.

Dhinaca kale labadii tartan ee soo maray xulka Dekedaha ayna ka soo hooyeen guulo taariikhi ah, ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha Naadiga Cabdullaahi Macallim Abuukar oo sheegay inay iyagu ku dadaalayaan had iyo goor sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen hamiga kooxda sidii ay ugu guuleysan lahaayeen tartan isla markaana ku soo xero gelin lahaayeen koobka Jan.Daa'uud.

Mudadii ay socdeen tartamada K/Koleyga waxaa ka soo qeyb galay madaxda xiriirka K/Koleyga, GOS, madaxda naadiyada, waxayna daawadayaal dhowr ah oo aanu la kulanay ay sheegeen inay aad iyo aad u farxad gelisay taatikada ciyaar oo ay la yimaadeen ciyaartoyda naadiga Dekedaha, iyagoo sheegay inay qarka u saaran yihiin naadiga Dekedaha inay gacanta ku dhigaan koobka tartankan.

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
Xafiiska wararka Muqdisho ee Gololey Online
webmaster@gololey.com


Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Gololey--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame

Calanka

Allkheyraad

Dayniile

Somaliweyn

Horseednet

jidbaale

shabelle.net