| Beelaha
degan oo gobolka J/hoose oo berri kulan weyn isugu imaanaya Kismaayo
| GololeyOnline: Muqdisho, Isniin
12/05/2008 |
Maalinimada
Berri ah ayaa la filayaa inay kulankii ugu weynaa ku yeeshaan magaalada
Kismaayo ee gobolka J/hoose waxgaradka beelaha ku dhaqan gobolkaas,
waxaana kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen
Xildhibaano uu hormuud u yahay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale
la filayaa in looga hadlo xaaladaha ka jira gobolka gaar ahaan magaalada
Kismaayo iyo shaqaaqooyinka maalmahan ka soo cusboonaaday iyo waliba
dhinaca nabadgelyada oo la sheegay inuu faraha ka sii baxayo.
Xildhibaan
Barre Hiiraale oo ka hadlayay qabanqaabada kulanka ayaa Saxaafadda
u sheegay in kulankaasi waxyaabaha looga hadlayo ay ugu weyn tahay
eedeyn ay kala tirsanayaan 15-ka beelood ee ku dhaqan gobolka J/hoose,
wuxuuna tilmaamay in eedahaasi inta badan loo soo jeediyo beelaha
Daarood ee halkaasi ku nool, "Beesha eedda loo tirinayo kulanka
berri dhacaya way ka soo qeyb galeysaa, miiska ayayna soo saaraneysaa
waxa ay heyso iyadoo diyaar u ah inay wixii gar ah la timaado meesha"
ayuu yiri Xildhibaan Barre Hiiraale.
Sidoo
kale kulamo hordhac ah oo shalay ay yeesheen qaar ka mid ah beelaha
ku dhaqan gobolka J/hoose ayay ku sheegeen inay magaalada Kismaayo
ka jiraan tacadiyo loo geysanayo beelaha degan qaarkood, iyagoo
tilmaamay in haddii maamul goboleed la sameynayo loo baahan yahay
in meesha laga saaro tashwiishyada ku kala jira beelaha degan gobolka.
C/qaadir
Xaaji Axmed Waldiire oo ka mid ahaa waxgaradkii ka qeyb galay kulankaasi
ayaa sheegay in loo baahan yahay waxa ka socdaahi magaalada Kismaayo
inaanay ahayn wax loo dulqaadan karo, taasoo uu sheegay in maleeshiyooyin
ka soo jeeda sida uu sheegay hal beel oo degan Kismaayo sidii ay
doonto ka yeesho maamulka, marna ammaanka khalkhal geliso, marna
iyadu wixii dhaqaale ah ee ay doonto iska qaadato, sidaas darteedna
loo baahan yahay in la sameeyo maamul guud oo loo dhan yahay
Xafiiska Wararka Gololey Online
Muqdisho - Soomaaliya
www.webmaster@gololey.com
Ku Laabo
|