Kontakt

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo dalka dib ugu soo laabtay,

GololeyOnline: Muqdisho, Axad 11/05/2008

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweynaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan cadde International Airport ku soo dhoweeyay xubnaha labada Gole ee Xukuumada Federaalka KMG ah.

Socdaalka Madaxweynaha oo saakay saacadaha hore ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ayaa sababay in la xiro dhammaan waddooyinka uu wafdigu soo marayo oo uu ka mid yahay Isgoyska No.4 ayaa saakay la xiray, waxaana Isgoyskaasi ku sugnaa ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah oo daadsanaa ilaa xarunta Madaxtooyada oo fadhi u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Imaatinka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku soo beegmay xilli qabanqaabo loogu jiro shirka dib u heshiisiinta ee la filayo inuu ka dhaco dalka Jabuuti, iyadoo Madaxweynaha la filayay inuu tago magaalada Baydhaba si uu ula kulmo Xildhibaanada Baarlamaanka oo wax ka weydiinaya mooshin ka dhan ah Ra'iisal Wasaare Nuur CAdde, hase yeeshee Madaxweynuhu uu ka baaqsaday arrintaasi.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa inuu ka warbixiyo socdaalkiisa uu ku tegay dalalka Yurub iyo Afrika, sida kii uu ku tegay dalka Faransiiska kulana kulmay madaxda dalkaasi, oo ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadli doonaa isbedelada siyaasadeed ee ka socda gudaha dalka, dagaalada ka socda Muqdisho iyo arrimo kale.


Xafiiska Wararka Gololey Online
Muqdisho - Soomaaliya
www.webmaster@gololey.com

Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Gololey--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame

Calanka

Allkheyraad

Dayniile

Somaliweyn

Horseednet

jidbaale

shabelle.net