Kontakt

Afhayeenka Ganacsatada Suuqa Maanaboolyo oo ka warbixiyay Kunka shilin & nabadgelyada Deg. Shibis

GololeyOnline: Muqdisho, Axad 11/05/2008

Iyadoo maalmahan ay cirka isku sii shareereysay nabadgelyo darri ka jirta xaafado ka tirsan Degmada Shibis oo iyadu lagu yaqiin inay tahay goob ka nabadgelyo badneyd degmooyinka G/Banaadir, kaddib markii ay qaar ka mid ah xaafadaha Shibis ku soo qamaameen kooxo burcad ah oo markii gabalku dhaco aad moodo in xarig laga soo furay, kuwaasoo falal dhac iyo jir dil isugu jira u geysanaya dadka socotada ah.

Haddaba arrimahaasi si aan wax uga ogaano iyo halka ay ku dambeysay diidmada lacagta Kunka shilinka Soomaaliga ah ee suuqa Maanaboolyo waxaa warbixin ku saabsan arrintaasi kala yeelanay Afhayeenka Suuqa Maanaboolyo Cali Jamiil, isagoo sheegay ugu horeyntii inay meesha ka baxday diidmada lacagaha shilinka Soomaaliga, isla markaana ganacsatada suuqa Maanaboolyo ay qaadanayaan lacagaha nooc kasta oo ay tahay, isagoo sheegay inaan la kala sooceynin Noodka Kunka Shilin ama kii hore ha ahaado ama kii dambe.

"Waxaan mahad-naq u jeedinayaa Culumaa'udiinka uu ka mid yahay Sheekh Maxamuud Aw CAbdulle Cariif, ganacsatadii u ololeysay soo nooleynta Kunka shilin iyo dadweynihii shucuurtooda ka muujiyay in la diido halkii Kun ee u haray" ayuu yiri Md. Cali Jamiil afhayeenka Ganacsatada Suuqa Maanaboolyo oo dhinaca kale sheegay inuu mar kale ammaan gaar ah u dirayo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay in la marsiiyo qiima-dhac ku yimaada Shilinkooda, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, oo uu sheegay in markii la arkay midnimadooda la marsiin waayay wixii la doonayay, "Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa inay ku dadaalaan had iyo goor midnimadooda, isla markaana wixii dhib ah ee ka hor yimaada iyagoo mideysan ay shucuurtooda ku muujiyaan" ayuu yiri Afhayeenka ganacsatada Suuqa Maanaboolyo.

Bartamihii toddobaadkan ayay ahayd markii kooxo maleeshiyo xiran dareyska ciidamada Milataarka Soomaaliya ay fal dhac ah ka geysteen xarun Internet oo ku taala agagaarka Masjidka Rowda, isla markaana uu leeyahay isla Afhayeenka ganacsatada Maanaboolyo Md. Cali Jamiil, sidaasoo ay tahay afhayeenka waxaan wax ka weydiinay Maxaa iska bedelay nabadgelyo xumadii ka jirtay xaafadaha Degmada Shibis qaarkood oo aan la socon karin markii qorraxdo dhacdo burcad diirato ah oo ku soo qamaameysa socotada awgeed, wuxuuna ku jawaabay:

"Waa run in nabadgelyo xumo ka jirto xaafadaha ku dhow laamiga ee Degmada Shibis, hase yeeshee aniga arrintaasi wax ka qabashadeeda iima taallo, waayo aniga ciidan ma ahi waxaanse filayaa in iminka lagu baraarugay baaxadda ay la'eg tahay waxyeelada burcadda, waxaana jira roondo ay sameeyaan ciidamada Booliska oo runtii wax weyn ka bedelay xaaladii aan ku sugneyn toddobaadkii aynu soo dhaafnay".

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
Xafiiska Wararka Gololey Online
Muqdisho - Soomaaliya
www.webmaster@gololey.com

Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Gololey--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame

Calanka

Allkheyraad

Dayniile

Somaliweyn

Horseednet

jidbaale

shabelle.net