Kontakt

Weerar lala beegsaday hoyga Xildhibaan Maxamed Qanyare iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Baydhaba ka qabqabtay dad dembiyo lagu tuhmayo

GololeyOnline: Muqdisho, Axad 11/05/2008

Magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, waxaa maanta ka dhacay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen hoyga Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, waxaana is rasaaseyn dhex martay ilaalada Xildhibaanka iyo maleeshiyada weerarka geysatay ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka mid ah ilaalada Maxamed Qanyare, kuwaasoo dhaawacooda loo qaaday isbitaalka magaalada Baydhaba.

Weerarka lagu qaaday guriga Xildhibaan Maxamed Qanyare oo dhacay saakay waaberigii, ayaa la sheegay kaddib weerarkaasi inay soo baxeen ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasoo baaritaano ka sameeyay xaafadaha magaalada Baydhaba iyo agagaaraha goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ciidmada itoobiyaanka ahi soo qabqabteen dad dhowr ah, kuwaasoo ay kaxeysteen.

Ma aha markii ugu horeysay oo magaalada Baydhaba ay ka dhacaan weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo lala beegsado mas'uuliyiinta xukuumadda Federaalka iyo ciidamada Itoobiyaanka ah, mana jirto ilaa iyo iminka cid ka hadashay dhacdadan, inkastoo la filayo inay Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ka hadlaan arrintan.


Xafiiska Wararka Gololey Online
Muqdisho - Soomaaliya
www.webmaster@gololey.com

Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Gololey--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame

Calanka

Allkheyraad

Dayniile

Somaliweyn

Horseednet

jidbaale

shabelle.net