| Nabadgelyadii
magaalada B/Xaawo oo faraha ka baxday & gacan ku-dhiigle xabsiga
lagala baxay
| GololeyOnline: Muqdisho, Axad
11/05/2008 |
Wararka
ka imaanaya magaalada B/Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay
faraha ka baxday nabadgelyadii hore uga jirtay, kaddib markii si
xoog ah xabsiga loogala baxay gacan ku dhiigle ku xirnaa xabsiga
oo isagu maalinimadii dorraad ahayd si bareer ah u dilay nin kale
gudaha magaalada B/Xaawo.
Ninkan
gacan ku dhiiglaha ah ayaa la sheegay inay la baxeen maleeshiyo
ay isku heyb yihiin, iyadoo Guddoomiyaha Maxkamadda B/Xaawo uu sheegay
inaanay iyagu arrintaasi waxba kala socon, xilli ay Maxkamaddu go'aamisay
heshiis ay gaareen labada beelood oo ay ka soo jeedaan ninka la
dilay iyo kan wax dilay inay kala qaataan magdhaw.
Ha
yeeshee ninkan ayaa lagu waday inay maxkamaddu fasaxdo marka ay
cidiisa bixiso magdhawga, waxayna arrintani walaac ku abuurtay dadka
ku dhaqan magaalada B/Xaawo, oo ka cabsi qaba in arrintani keento
dagaallo beeleed oo ka dhaca halkaasi.
Guddoomiyaha
B/Xaawo Md. Axmed Bur-kuus oo u waramayay Saxaafadda ayaa sheegay
in ammaanka magaalada uu soo hagaagayo, hase yeeshee hadalkiisa
ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya dhacdooyinka aan wanaagsaneyn
ee ka dhacaya B/Xaawo, iyadoo degaanadaasina ay dhaqdhaqaaqyo aan
caadi ahayn ka wadaan gudaha magaalada B/Dheere, taasina ay ka dhigeyso
gobolada Jubbooyinka mid ay ku wareegsan tahay saxansaxo colaadeed
oo isugu jirta dagaallo dhex mara Ciidamada Dowladda Federaalka
iyo kuwo u dhaxeeya beelaha ku dhaqan Jubbooyinka.
Xafiiska Wararka Gololey Online
Muqdisho - Soomaaliya
www.webmaster@gololey.com
Ku Laabo
|