| Kooxda
Heegan oo ka badisay dhigeeda Feero
| GololeyOnline: Muqdisho, Axad
11/05/2008 |
Iyadoo
weli uu si xiiso leh u socdo tartanka koobka Jan. Daa'uud ee ciyaaraha
K/Koleyga garoonka Lujino ee magaalada Muqdisho ayaa kooxihii daraad
ciyaarayay waxay soo bandhigeen ciyaaro aad iyo aad u xiiso geliyay
daawadayaasha, waxaana labadan kooxood oo lagu kala magacaabo Heegan
iyo Feero ka soo qeyb galay mas'uuliyiin Isboorti, Madax iyo daawadayaal
fara badan.

Daqiiqado
kaddib waxaa goolkii ugu horeeyay ku hor maray kooxda Heegan, oo
maalintaasi ciyaaryahanadoodu la soo baxeen dardar aan hore looga
baran, taasoo cajab gelisay macallimiinta kooxdaas iyo maamulka
K/Koleyga.

Hase
yeeshee waxaa hadana markii labaad daqiiqado kaddib nasiib u yeeshay
isla kooxda Heegan oo shabaqada kooxda Feero dhaafiyay kubbaddii,
sidaasna ay ku hanteen goolkii labaad, waxaana ciyaartii ay noqotay
mid uu sii kordho daawashadeeda, kaddib markii kooxda Feero ay dhabarka
u xiratay sidii ay isaga bareejeyn lahayd, iyadoo ay suurtagashay
inay galabtaasi garoonka kala carowday 45.

Kooxda
Heegan ayaa galabtaasi hanatay guusha, iyadoo keensatay 51, waxaana
kooxdaasi ay noqotay kooxaha u soo baxay wareegga dambe ee ciyaaraha
tartanka koobka Jan. Daa'uud, oo kooxaha haray ay ugu jiraan xusul-duub
weyn sidii ay u hanan lahaayeen koobkaasi.

Mas`uuliyiin ka tirsan G.O.S iyo
madaxda Xiriirada hoos yimaada , Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee
K/Koleyga Guddoomiye Wiish iyo ku xigeenkiisa Roombo Xogahaye Baasaale
iyo taageerayaasha baaxadda weyn ee kubadda Koleyga waxayna ku soo
idlaatay ciyaarta jawi farxad leh, oo ay aad ugu riyaaqeen daawadayaasha
ciyaartaasi.
Xafiiska Wararka Gololey Online
Muqdisho - Soomaaliya
Ku Laabo
|