| Burcad
fara ba'an ku heysa inta u dhaxeysa wadada Muqdisho iyo Jowhar
| GololeyOnline: Muqdisho, Axad
11/05/2008 |
Wararka
ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in musaafurka isaga
goosha wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar ay fara ba'an ku hayaan
kooxo burcad ah oo degaanadaasi ka geystay dhaca baabuurta iyo dadka
musaafurka ah.
Mid
ka mid ah dadka ku dhaqan tuulada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar oo
lagu magacaabo Cabdi Xuseen Axmed, ayaa u sheegay Gololey
Online in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay kooxaha
burcadda ah halkaasi ka wadeen falal isugu jira dhac iyo kufsi,
iyagoo baabuur dhowr ah halkaasi ku leexsaday dabadeedna ka dhacay
lacago, raashin iyo shidaal saarnaa.
Dhinaca
kale waxaa saakay hakad ku yimid dhammaan gawaaridii isticmaali
jirtay wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Muqdisho isla markaana uga sii
gudbi jiray gobolada dhexe, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan
in gawaari tiro yar oo ay saaran yihiin ilaalo hubeysan ay u baqooleen
gobolada dhexe iyagoo sii maraya magaalada Jowhar.
Si
kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada
Jowhar ama gobolka Sh/dhexe aanu ka jirin maamul rasmi ah, waxaana
maalmihii la soo dhaafay Jowhar iyo nawaaxigeeda howlgalo burcadda
lagula dagaalayo ka waday ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga
ah, oo iyagu maalinimadii doraad ahayd degaanka Mahadaay ka fuliyay
howlgalo burcad sifeyn ah, oo ay ku soo qabqabteen burcad fara badan.
Xafiiska Wararka Gololey Online
Muqdisho - Soomaaliya
Ku Laabo
|