| Soomaali
dil iyo dhaawac loogu geystay Gobol ka mid ah Dalka koofur Africa
| GololeyOnline: Muqdisho, Sabti
10/05/2008 |
Habeen
hore ayaa waxaa ay kooxo Burcad ah oo u dhashay dalka S/Africa waxa
ay toogasho ku dileen muwaadin soomaiyeed oo dukaan ku lahaa tuulada
strand oo hoos timaada magaalada cape town ee dalka koofur africa.
halka ay mid kalene ay ku dhaawaceen.
Marxuumka dhintay
ayaa waxa lagu magacaabi jiray nuur buraale oo da'diisa lagu sheegay
34 jir ayaa maanta galinka danbe lagu soo aasay qabuuraha muslimiinta
ee magaalada cape town halka midka dhaawaca ahna lagu magaacaabo
daahir maxamed maqubeeste dhaawaciisana loola cararay isbitaalka
wayn ee samerset west. taaqaatiirta ku howlan daaweynta wiilkan
soomaliga ah ayaa ii sheegay in uu yahay dhaawac aad u sahlan mar
dhawna isbitaalka laga saari doono wiilkan dhaawacmay ayaa xabada
kaga dhacday garabka bidix wadnaha korkiisa.
yaasiin cali qawaar oo ahaa goob jooge ayaa ka war bixinaya sida
ay wax u dhaceen waxa uu na yiri sedex nin aya dukaanka soo gashay
midka bistoolada watay waxa uu si toos ah u abaaray qasnada lacagta
waxa uuna amar ku siiyay yarka qasnada jooogay in uu fadhiisto madaxana
gacmaha saarto halka labada kale ee burcadka ahaayeen oo ku hubeesnaa
tooreeyo ay iyagana abaareen marxuumka geeriyooday markay midida
la aadeen ayuu iska caabiyay wuxuuna soo abaaray qasnada isagoo
ka soo doontay maqar marka ninkii burcadka ahaa oo ku hubeesnaa
bistoolada ayaa xabad ooda kaga qaaday wuxuuna dhaawacay mid kale
oo dukanka ka shaqeenayay Falkaan
dilka foosha xun leh ayaa waxaa walaac ka muujiyey dhamaan Ganacsatada
Tuuladaasi ku dhaqan iyo dhamaan Jaaliyadaha Somalida ah ee ku nool
Dalka South africa.waxaana sidoo kale ka xumaaday geeridan naxdinta
leh muslimiinta degaanka ayagoo alla ugu baryay in uuu siiyo naxariis
jannadii firdowsana ilaah ka waraabiyo.
Muwaadin
soomaliyeed oo habeen hore lagu dilay gobalka westren capen ee dalka
koofur africa mid kalene lagu dhaawacay Xalay
abaarihii Fiidkii hore ayaa waxaa ay kooxo Burcad ah oo u dhashay
dalka S/Africa waxa ay toogasho ku dileen muwaadin soomaiyeed oo
dukaan ku lahaa tuulada strand oo hoos timaada magaalada cape town
ee dalka koofur africa. halka ay mid kalene ay ku dhaawaceen.
Marxuumka dhintay
ayaa waxa lagu magacaabi jiray nuur buraale oo da'diisa lagu sheegay
34 jir ayaa maanta galinka danbe lagu soo aasay qabuuraha muslimiinta
ee magaalada cape town halka midka dhaawaca ahna lagu magaacaabo
daahir maxamed maqubeeste dhaawaciisana loola cararay isbitaalka
wayn ee samerset west. taaqaatiirta ku howlan daaweynta wiilkan
soomaliga ah ayaa ii sheegay in uu yahay dhaawac aad u sahlan mar
dhawna isbitaalka laga saari doono wiilkan dhaawacmay ayaa xabada
kaga dhacday garabka bidix wadnaha korkiisa.
yaasiin
cali qawaar oo ahaa goob jooge ayaa ka war bixinaya sida ay wax
u dhaceen waxa uu na yiri sedex nin aya dukaanka soo gashay midka
bistoolada watay waxa uu si toos ah u abaaray qasnada lacagta waxa
uuna amar ku siiyay yarka qasnada jooogay in uu fadhiisto madaxana
gacmaha saarto halka labada kale ee burcadka ahaayeen oo ku hubeesnaa
tooreeyo ay iyagana abaareen marxuumka geeriyooday markay midida
la aadeen ayuu iska caabiyay wuxuuna soo abaaray qasnada isagoo
ka soo doontay maqar marka ninkii burcadka ahaa oo ku hubeesnaa
bistoolada ayaa xabad ooda kaga qaaday wuxuuna dhaawacay mid kale
oo dukanka ka shaqeenayay
Falkaan
dilka foosha xun leh ayaa waxaa walaac ka muujiyey dhamaan Ganacsatada
Tuuladaasi ku dhaqan iyo dhamaan Jaaliyadaha Somalida ah ee ku nool
Dalka South africa.waxaana sidoo kale ka xumaaday geeridan naxdinta
leh muslimiinta degaanka ayagoo alla ugu baryay in uuu siiyo naxariis
jannadii firdowsana ilaah ka waraabiyo.
dhanka kale booliska amaanka ee dalkani koofur africa
ayaa daba jooga burcadii dilkaan foosha xun gaystay waxayna ballan
qaadeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan ayna ka jiifan doonin
har iyo habeen sidoo kale booliska amaanka ayaa waxa ay walaac ka
muujiyeen geerida naxdinta leh ee ku timaaday mawaadinkaan soomaaliyeed
Si
kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeesay ee dil noocaan oo
kalaa loo gaysto ganacsatayaasha ku dhaqan dalkan koofur africa
waxay ahayd horaantii bishii la soo dhaafay in lagu dilay tuulo
20km u jirta kape town muwaadin Soomaliyeed oo lagu magacaabi jiray
Xasan Isaaq 22 jir ahaa.
Xafiiska Wararka Gololey Online
Muqdisho - Soomaaliya
Ku Laabo
|