In kabadan 120 qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa saakay aroortii hore waxaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Dadkaani oo mudo bilo ah lagu aruurinayay xabsiyo kuyaala gudaha dalka Sacuudiga ayaa saakay waxaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxana la sheegayaa in dadkaasi ay isugu jireen dad ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya iyo kuwa ka soojeeda koofurta dalka.
Tahriibayaashaani Soomaalida ah ayaa gaaraya 125 qof kuwaasi oo dhamaantood markii hore si tahriib ah ku galay wadanka Sacuudiga waxaana dhalinyarada ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya maalmo kadib looqaadayaa Magaalooyinkooda halka kuwa ka soo jeeda koofurta Soomaaliyana lagu amray in ay eheladooda raadsadaan.
Mid ka mid ah dadkii ku sugna garoonka diyaaradaha xiligii dadkaasi tahriibayaasha saakay garoonka laga soo dajiyay ayaa Shabelle u sheegay in qaar ka mid ah dadkaani ay ka muuqato daruufo dhinaca nolosha ah kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid ahaayeen dadkii dhawaan galay dalka Sacuudiga islamarkaana horay ay ka soo qabteen ciidamada wadankaasi.
Ma’ahan Markii ugu horeysay oo tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Sacuudi Carabiya laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo dhowr jeer bishiiba sidaan oo kale dowlada sacuudigu ay dad Soomaaliyeed u keento Muqdisho
Related posts:
- Dagaal xoogan oo saakay ka dhacay Magaalada Baladweyne.31/5/10 Dagaalka ayaa ka socda hada deegaanada Ceel-gaal, Jantewkuwindishe, iyo Garoonka...
- DAd ay Soomaali ka mid yihiin oo weeraro ka geysan rabey Sacuudiga oo Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda amaanka ay...
- Ciidamada Al-Shabaab oo saakay gudaha u galay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug Ciidamo fara badan oo ku hubaysan Gawaarida Dagaalka oo ka...
- Madaxda Sacuudiga iyo Bahrain oo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya. Madaxda wadamada Sacuudiga iyo Bahrain oo kulan ku yeeshay xarunta...
- Muqdisho oo saakay degen, kadib duqeymihii shalay. Gololey 26 April:- Xaalada magaalada Muqdisho oo shalay dagaalo iyo...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.