Iska hor imaad Xisbul Islaam iyo kooxo hubeysan dhex marey.

Deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa iska hor imaad uu ku dhex maray maanta ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam iyo kooxo hubeysan.

Wararku waxay leeyihiin kooxahan ay isku dhaceen ururka Xisbul Islaam waxay ahaayeen kooxo, iyadoo ururka Xisbul Islaam ciidamadooda ay markii hore weerarka ku qaadeen kooxahan.

Kooxdan oo aan la sheegin weli cida ay ka tirsan yihiin ayaa wararku ay sheegayaan in ay ka war heleen in ciidamada xisbiga ku soo wajahan yihiin, ayagoo ka meel dhexe isaga hor yimid.
Dadka deegaanka ayaa sheegay sheegey in iska horimaadka ay ku dhaawacmeen sedax ruux oo mid ka mid ah uu ahaa kooxihii hubaysnaa, waxaana ciidamadii Ururka Xisbul Islaam ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah ragii la dagaalamayay.
Iska horimaadkii dhexmaray Ciidamada Xisbul Islaam iyo kooxaha hubaysan ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga deegaanka Calamada, waxaana la ogeyn cida ay ka tirsanaayeen kooxaha hubaysan walow warar aan la hubin ay sheegayaan inay Shabaab ahaayeen.
Taliyaha Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee deegaanka Lafoole ayaa waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo iska horimaadka qasaaraha geystay ee Maanta Ciidamada Xisbul Islaam iyo kooxaha hubaysan ku dhexmaray deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jirey xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Xisbul Islaam iyo kuwa Al Shabaab, taasi oo keentay in Xisbul islaam laga ugaarsado saraakiishooda muhiimka ah, waxaana xiligaasi wixii ka dambeeyay xisbul Islaam ay bilaabeen inay beegsadaan dadka ay uga shakisanyihiin inay amaan darida wadaan

Related posts:

  1. Xisbul Islaam iyo Dhalinyaro maanta dagaal uu dhex maray. Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamo ka tirsan Ururka...
  2. Ciidamada dowlada oo iska hor imaad uu dhex maray .22/04/10 Gololey 22 Aprill:- Iska hor imaad daqiiqado socdey oo qasaaro...
  3. Xisbul Islaam oo Qabsadey Deegaano hor leh oo Mudug ka tirsan.11/05/10 GololeyPost,11 May:- Ciidamada Ururka Xisbul islaam oo wata in ka...
  4. Sarkaal ka tirsanaa Xisbul Islaam oo la diley. Mid ka mid ah Saraakiisha Ururka Xisbul islaam ee deegaanada...
  5. Xisbul islaam oo maamulo u magacabay gobolada Gal-gaduud iyo Mudug Ururka isbul islaam oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author