Tiro madaafiic ah, oo aan la ogeyn halka ay laga soo tuuray ayaa maanta ku dhacday gudaha degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasi ay geysteen qasaarooyin kala duwan.
Wararku waxay leeyihiin inta la ogyahay 11 qofood ayaa ku dhaawacantay madaafiicdan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Ilaa saddex madfac ayaa maanta barqadii ku soo dhacday degmada Xamar Weyne. Mid ka mid ah maafiicdaasi ayaa wuxuu ku dhacay suuqa degmada X/weyne.
Goob joogayaashu waxay leeyihiin marka madaafiicda ay ku dhacayeen halkaasi ma jirin wax dagaal ah oo ka soconayay magaalada qeybaheeda kala duwan.
Goor xalay ah ayay aheyd markii dad badan oo isku qoys ah ay ku geeriyoodeen qaar kalena ay ku dhaawacmeen gurigooda dhexdiis ka dib markii uu madfac xoogan uu kula dul dhacay gudaha magaalada Muqdisho
Related posts:
- Gaalkacyo: Madaafiic garoonka lagu garaacey.23/05/10 Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta gobolka Mudug...
- Gaalkacyo: Madaafiic garoonka lagu garaacey.23/05/10 Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta gobolka Mudug...
- Dad ku geeriyoodey Madaafiic lagu garaacey Kaaraan, Yaaqshiid iyo SHibis. Ilaa iyo inta laga war qabo afar qofood ayaa geeriyootey,...
- Faah-faahinta Qasaarihii ka dhashay madaafiic caawa Muqdisho lagu garaacey. Inta la ogyahay 9-qof oo dhamaantooda rayid ah ayaa ku...
- Faah-Faahin ku saabsan Madaafiic lagu garaacey degmada Wadajir. Gololey 21 aprill:- Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.