Wasiir dhaleeceeyay duqeymaha Amisom.

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde),Wasiiru dowlihii hore ee gashaan dhigga xukuumadda kmg-ka SOomaaliyeed ayaa cambaareeyay duqeymaha xoogan ee ka taagan magaalada Muqdisho.
Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, Indha Cadde ayaa cambaareyn dusha ugu tuuray ciidamada AMISOM.
Wuxuu sheegay in lagula xisaabtami doono ciidamada Midowga Africa ee AMISOM duqeymaha xoogan ee ay ku hayaan shacabka.
Ma muuqato qaab kale oo wax looga qaban karo duqeymaha oo qasaaraha ugu xoogan ka soo gaarayo dadka shacabka, marka laga reebo dhinac walba oo cambaareyneyso.
Dhinacyada iska horjeeda ayaa beryihii u dambeeyay madaafiic xoogan isku weedaarsanayay magaalada Muqdisho, kuwaaso oo badankood ku dul dhacayay xaafadaha dadka rayidka.
Indha Cadde a yaa dhanka kale wuxuu ku dhawaajiyay inuu dagaal kala hortagayo ciidamada Itoobiya hadii ay dib ugu soo laabtaan gudaha Soomaaliya.

Related posts:

  1. War Deg Deg Ah, Indhacade Oo Iska Casiley Xilkii Uu Dowlada Ka Haayay Wasiiru dowlihii gaashaan dhigga xukuumadda KMG ayaa ku dhawaaqay inuu...
  2. Mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada dowlada oo cambaareeyay weerarada madaafiicda ee Amisom ay geystaan.19/04/10 Gololey 19 Aprill:- Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo cambaareeyay...
  3. Amisom:” Waxaan ka war helnay in goobaha dadka ku badan yihiin qaraxyo laga sameyn rabo..” Taliska Ciidamada AMISOM ayaa shegay in ay ka war heleen...
  4. Ciidamada AMISOM oo sheegay inay hormar ka sameeyeen dagaaladii u dambeeyay ee magaalada Muqdisho Saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay inay sameeyeen...
  5. Dhaawacyo & Meydad Amisom Ah Oo Laga Dhoofiyay Muqdisho Meydadka saddex askari oo Yugandheys ah iyo dhaawaca tiro kale...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author