Gudoomiyihii Matabaan oo is casilay.

Gudoomiyihii deegaanka Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee ururka Ahlu Suna waljameeca ayaa sheegay in uu xilkaasi ka tagay, xilli Ahlu Suna ay sheegtey in ay qorsheyneyso in ay gobolkaasi la wareegto.

Gudoomiyaha Faarax Maxamed Ibraahim oo xalay la hadley saxaafada ayaa sheegay in markii uu fiiriyay xaalada deegaanada uu gudoomiyaha ka ahaa iyo tan siyaasada uu go’aasandey in uu xilka iska dhigo.

“Mar haddii aan waxba qaban waayay, isla markaasna ay suuro gal tahay in ay joogaan dad kale oo is leh wax baad qaban lahaydeen, waxaan go’aansadey in aan ka hor leexdo” ayuu yiri Faarax.

“Aniga Ilaah Cid aan ahayn ka cabsan maayo, Cabsina uma dhigin xilkeyga” ayuu hadana hadalkiisa sii raaciyay.
Is casilaada mas’uulkan ayaa ilaa iyo hadda wax hadal ah aysan ka soo saarin maamulka Ahlu Suna wal jameeca.

Related posts:

  1. Ahlu Suna oo taliye cusub ku dhowaaqdey Gololey,14 Aprill:- Afhayeenka ururka Ahlu suna wal jameeca, garabka uu...
  2. Hiiraan: Xisbul Islaam oo sheegay in ay u direen Matabaan ciidamo qabsada.25/01/10 Gololey 25 April:-Ururka Xisbul Islaam, qeybtiisa gobolka Hiiraan ayaa sheegay...
  3. Hiiraan: Xisbul Islaam oo sheegay in ay u direen Matabaan ciidamo qabsada.25/01/10 Gololey 25 April:-Ururka Xisbul Islaam, qeybtiisa gobolka Hiiraan ayaa sheegay...
  4. “wax Ahlu suna la yiraahdo oo ka dagaalamay Ruunirgood ma jiraan, ayagaaba hoteelo Qaxooti ku ah, maxay wax difaacayaan ama weerarayaan” gudoomiyaha Wadajir. 15/04/10 “wax Ahlu suna la yiraahdo oo ka dagaalamay Ruunirgood ma...
  5. Ahlu Suna:” Maxkamad ayaa la saarayaa, Ninkii Shareerka…” “Arrin maalmahan la hadal hayay oo la lahaa Ahlu Suna...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author