Qoys xalay madfac ku habsadey.

Afarr qofood oo isku qoys ah ayaa geeriyoodey, kadib markii madfac uu ku dul habsadey xalay guri ay ku sugnaayeen xaafada Towfiiq, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dadka geeriyoodey ee qoyska waxay ka kooban yihiin hooyo, labadeeda cunug iyo ayeeydood aabahood dhashay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
oo ka koob
Musiibadan ayaa waxaa ay argagax ku abuurtay dadka ku dhaqan degmada Yaaqshiid.
Dadka ku geeriyooday madfacan ayaa jirkooda waxaa uu noqday mid go’go’ay, waxaana saaka lagu wareersan yahay qaabka loo aasi karo, iyadoo dadku aad uga naxsan yihiin sida ay wax u dhaceen.
Markii musiibadan ay dhaceysay, aabaha qoyska oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed waxaa uu ku maqnaa masjidka. Waxaa uu sheegay in uusan awoodin inuu saxaafadda la hadlo, isagoo dariinkiisu ahaa mid aad u kacsan.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii 9 qof isku qoys ah uu madfac ku dilay isla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Dagaalada iyo duqeymaha aan loo meel dayin ee magaalada Muqdisho ayaa qasaaro lixaad leh waxay u geesanayaan dadka shacabka ah

Related posts:

  1. Qasaaraha dagaalka oo sii badanaya, Qoys ku geeriyoodey Madfac ku dhacay. Qasaaraha ka dhashay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kooxaha...
  2. Duqeymo xalay Muqdisho ka dhacay. Duqeymo xoogan oo qasaaro geestay ayaa ayaa xalay saq dhexe...
  3. Macalin Xaashi oo beeniyay in qarax lala eegtay, xilli gaarigiisa qaaska ah xalay lagu qarxiyay degmada Yaaqshiid Macalin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xizbul Islaam ayaa waxba kama...
  4. Taliye ku xigeenkii Saldhiga Degmada Dharkaynlay oo xalay lagu dilay Gurigiisa. Alaha u naxariisto Taliye ku xigeenkii Saldhiga Degmada Dharkaynlay oo...
  5. Dadka Muqdisho oo saakay madfac Sugayaal ahaa… waa maxay sababta?.22/04/10 Gololey 22 aprill:- Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author