MAsar oo ka baaqsatey shirka Midowga Afrika.

Wararka ka imanaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa ku waramaya in madaxweynaha dalka Masar Maxed Xusni Mubaarak uu baajiyey booqasho uu ku tagi lahaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda halkaasi manta uu ka furmi doono shir ay isugu imanayaan madaxda Africa –ka taasi oo lagu macneeyey in madaxweyne Mubaarak ay xaaladdiisa caafimaad ay liidato.

Mas’uuliyiin Masaari ah ayaa horaantii bishan tilmaamay in madaxweyne Mubaarak uu ka qeyb geli doono shirmadaxeedka midowga Africa balse ilaa iy hadda xukuumadda Masar ma cadeen sababta madaxweyne Mubaarak uu uga baaqday shirkaas.

Dhanka kale ra’iisal wasaaraha xukuumada Masar Axmed Nadiif ayaa la sheegay in uu uga qeyb geli doono dalka Masar shirmadaxeedkaas ay isugu imanayaan 30 madaxweyne iyo ra’iisal wasaarayaal oo ka socda dalalka African –ka.

Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak oo hadda da’diisu tahay 83 jir ayaa labo bilood ka hor qaliin kellida iyo kaadi heysta ah loogu sameeyey isbitaal ku yaalla dalka Germany ka dib markii uu xannuun mudo dheer hayey.

Qallinka lagu sameeyey madaxweynaha Masar ayaa ahaa mid halis badan, waxaana laga saaray mid ka mid ah xiidmaha ama mindhicirada yar yar ee caloosha ka dib markii uu shaqeyn waayey.

Madaxweyne Mubaarak waxaa uu dalka Masar madaxweyne ka noqday sanadkii 1981 iyadoo ay hadda tahay 29 sano oo uu xilka hayey, waqti dheer waxaa uu ahaa bukaan isagoo ka sheeganayey xannuuno sida kelyaha iyo wadnaha .

Shaki badan ayaa ku jira in madaxweyne Mubarak uu diyaar u yahay inuu u tartamo doorashada sanadkan ka dheceysa Masar, inkastoo warar hoose ay sheegayaan inuusan ka qeybgali karin caafimaadka dartiis

Related posts:

  1. Midowga Afrika oo dhaar ku maray in ay la dagaalamayaan kooxaha Argagixisada Soomaaliya. Ururka midowga Afrika ayaa cod dheer ku sheegay in ay...
  2. Musafeni oo u dhaartey Al-Shabaab iyo kulankii madaxda Afrika oo furmey. Magaalada Kampala, xarunta dalka Yugandha waxaa maanta ka furmey kulankii...
  3. Sheekh Shariif oo ka qeyb galaya Shirka Istambuul. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliya ayaa...
  4. Ciidamada Midowga Afrika oo hub culus iyo Taangiyo cusub kaga qeyb qaatay dagaalada. 19/7/2010 Ciidamada Amisom ayaa galabta ku biiray dagaalada shalay ilaa saaka...
  5. Madaxwyne shariif oo saaka ka amba baxay magaaladda muqdisho. Madaxweynaha dowladda Somalia sheikh shariif sheikh axmed iyo wafdi uu...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author