Maamulka G/Banaadir ee dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay howl galo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho,
Gudoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada C/salaam Daahir Cabdule oo maanta warbaahinta kula hadley magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay guulo laga gaarey howl galo uu sheegay in amaanka lagu xaqiijinayay oo ciidamada dowlada ay ka sameeyeen magaalada.
Wuxuu sheegay in howl galadan aysan jirin cid ay ku beegsanayaan oo shacabka ah, hase yeeshee ay ku bartilmaameedsanayaan kooxo uu sheegay in ay amaanka caqabad ku yihiin.
Hadalkan ka soo yeeray maamulka G/Banaadir ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowlada federaalka ay kala hadashay siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka beelaha HAwiye sidii wax looga qaban lahaa amaanka magaalada Muqdisho.
Related posts:
- Gaadiidleyda Sh/dhexe oo soo dhoweeyay howl gal gobolkaasi laga sameeyay. Gololey 26 April:- Gaadiidleyda gobolka Shabeelaha dhexe iyo Banaadir ka...
- Maamulka G/Banaadir:” weeraradii ugu cuslaa ayaan qaadeynaa..”08/06/10 Maamulka gobolka Banaadir ee dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa ku...
- Xisbiga oo Howl gal ka sameeyay Hiiraan. Xaalada amaan ee Wadada isku xirta magaalada Baladweyne ee xarunta...
- G/Banaadir:” Hay’adaha ha is diiwaan geliyaan..” Gololey Online, 13 Aprill:- Maamulka gobolka Banaadir ee dowlada federaalka...
- Howl gal ay shabaab hub ku qabteen oo Afgooye ka dhacay. Deegaanka Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose ayay wararku...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.