Gudoomiyaha ururka HAweenka Soomaaliyeed, Caasho Cumar Gees-Diir ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay qeyb ka ahaayeen dagaaladii dalka ka dhacay, loona baahan yahay in ay ka qeyb galaan is cafinta ay sameynayaan kooxihii dalka ku dagaalamay.
“Haween badan ayaa walaalahood ku yiri Diracyo xirta, si ay dagaal u geliyaan, kuwa kalena wey u sacab tumayeen, marka lama dhihi karo haweenka dagaalka kuma jirin, qaar baa ragoodii la laayay, qaar baa aabayaashood la dilay” ayay tiri Caasho oo dhinaca kalena sheegtey in dadaalo badan oo la isku dayay in magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka wax looga qabto oo haweenka aan lagu darin ay fashilmeen.
Waxay sheegtey in mar kasta ay muhiim tahay in aan la faro gelin doorka haweenku ay ku leeyihiin nabad, dib u heshiisiinta, dib u dhiska iyo waxyaabaha la midka ah.
Hadalkan ayay Caasho xalay ka sheegtey barnaamij ka baxay Radio Muqdisho oo ku saabsanaa sidii beelaha Hawiye ay iskood wax uga qaban lahaayeen deegaanadooda gobolada koonfureed.
Mohamed Ali Madka
madkacali@hotmail.com
Tel: 00252-61-5573762
00252-62- 336003
00252-699-964128
Related posts:
- Drs. Caasho Cumar Geesdiir “Waan ka xumahay in Maanta Wasaaradii haweenka iyo Qoyska ee ku Tilmaantay koox yar Ururka haweenka Soomaaliyeed..” Waxaa maanta Shir Jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay...
- Drs Caasho Cumar Geesdiir oo Maanta Magaalada Muqdisho loogu doortey Guddomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed. 15/7/2010 Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad balaaran oo lagu...
- Ra,isal Wasaraha DFKGS oo Xalay la qaatay Kulan Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ay hogaaminaysay Guddomiyaha ururukaas Drs Caasho Cumar Gesdir. Kulankan oo isugu jirey Casho sharaf iyo shir uu la...
- Ahlu-Suna oo bilaabay in Haween ay ka qeyb geliyaan dagaalada. 04/06/10 Ururka Ahlu suna waljameeca o ka mid ah kooxo diimeedyada...
- Saxafiyadii Canada ee Afduubka loogu heystey Somalia oo bilowdey taageero ay u soo dirto haween SOomaaliyeed. Saxafiyadii u dhalatay Kanada ee kol hore lagu afduubey Soomaaliya,...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.
Waxaan u hambalyeynayaa gudoomiye caasho cumar,waxaan ku leeyahay waan u baahneyn geesiyad adoo kala ah ee haweenku waa heegan ee har qabow iyo caleen gee.
xilkaadan alla ha kuu fududeeyo.