Dagaal Madaafiic wata oo mar kale hadda qarxey.

Dagaal wata madaafiic u badan Kaareyaal ayaa iminka ka qarxey deegaano ka tirsan Waqooyiga magaalada Muqdisho, xilli saakeydii hore ay u muuqdeen kuwa hakad galay.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka soconaya agagaarka wasaaradii arrimaha gudaha, degmada Boondheere, halkaasi oo ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka iyo Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ay isku riix riixayaan.

Dagaalka saakey ayaa daba jooga dagaaladii aan kala joogsi lahayn oo maalmihii la soo dhaafey ka soconayay halkaasi iyo duqeymo aan loo meel dayin oo xalay oo dhan soconayay.

Lagama war helin qasaaraha ka dhashay dagaalkan, inkastoo weli rasaasta iyo madaafiicdaba u muuqdaan kuwa ilaa iyo hadda ku eg goobaha dagaalka uu ka soconayo.

Related posts:

  1. Dagaal Madaafiic wata oo mar kale hadda qarxey. Dagaal wata madaafiic u badan Kaareyaal ayaa iminka ka qarxey...
  2. Madaafiic iminka ku sugan qeybo magaalada ka mid ah iyo dagaal ka dhacay.21/05/10 Madaafiic u badan Hoobiyeyaal ayaa iminka ku soda deegaano ay...
  3. Iska hor imaad goor dhow ka qarxey Isgoysyada Bakaaro iyo Dabka iyo duqeymo socda.09/06/10 Iska hor imaad aad u culus oo ay daba socdaan...
  4. Muqdisho: Madaafiic Muqdisho ku socda iyo dagaal ka dhacay… Gololey 25 April:- Madaafiic xoogan ayaa iminka laga maqlayaa Magaalada...
  5. Warbixin Muhiim ah: Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku socda oo lagu arkey deegaano ka tirsan Muqdisho. Gololey 20 Aprill:-Labo Diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca,...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author