Qaar ka mid ah Misaajidyada Muqdisho oo laga bilaabey in hub loogu aruuriyo Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah misaajidyada magaalada Muqdisho ayaa bilaabey in ay u yaboohaan hub iyo saanad militari xarakada Al-Shabaab Al-mujaahidiin, xilli dagaalo aan kala joogsi lahayn ay ka soconayaan magaalada Muqdisho.

Masjidka Nasrudiin oo ku yaala suuqa Bakaraha ayaa shalay laga bilaabey in lagu aruuriyo hub ay bixinayeen qaar ka mid ah dadkii ku tukanayay masaajidka oo u badnaa ganacsatada suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ugu deeqayay Xarakada Al-Shabaab.

Waaliga Walaayada Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, Cali Dheere ayaa la hadley dadkii halkaasi isugu yimid, isagoo ku dheeraadey taariiqo hore, gaar ahaan xilligii saxaabada iyo sidii ay u bixin jireen maalkooda.

“Haddii la dhihi jirey markii hore Al-Shabaab keligood ha dagaalameen, hadda ma joogto, jihaadka waxaa laga rabaa qof kasta oo muslim ah, Al-Shabaab waa bilowdey, adinkana waa in aad ka qeyb qaadatiin” ayuu yiri.

In masjid dadka ku tukanaya ay hub ku yaboohaan xarakada Al-Shabab waa arrin ku cusub magaalada Muqdisho.

Related posts:

  1. Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in maamulada Xarakada AL Shabaab ee ka arimiya qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya in ay cuuryaamiyeen warbarashada ka dib markii ay mamnuuceen bixinta daruusyada qaar. Laba nin oo kamid ahaa dadweynihii ka qeyb galay Shirkii...
  2. Dagaalka Gal-gaduud oo laga dareemay Suuqyada Muqdisho.21/04/10 Gololey 21 Aprill:- Dagaalka shalay iyo maantaba ka soconaya deegaano...
  3. Ciidamo Al-Shabaab ah oo Tababar JUbooyinka loogu soo gabagabeeyay. 21/05/10 Ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa tababar loogu soo...
  4. Al-Shabaab:” Waxba nooma dhimi doonaan..” Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxa ay ka soo horjeesteen...
  5. Ciidamada ka tirsan Shabaab oo Tababar Baay loogu soo gabagabeeyay. Cutubyo ka tirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa tababar loo...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author