Ururka Xisbul Islaam oo ka digey in Ciidamo la keeno Somalia.

Ururka Xisbul ISlaam oo ka mid ah kooxaha diimeedyada hubeysan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya ayaa ka digey in ciidamo hor leh la keeno dalka, xilli midowga Afrika ay wadaan qorshe ciidamo lagu keenayo.
Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xisbul Islaam, Maxamed Cusmaan Caruus ayaa wuxuu sheegay inay dagaalo uga hor tagayaan ciidamadaasi.
“Walwal naguma haayaan, kama tanasuleeno mowqifkeena waana ka hortageynaa sidii kuwii hore,” ayuu yiri Caruus oo u waramayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.
Hanjabaadan ayaa waxaa ay imaaneysaa xilli shirka Midowga Africa ee magaalada Kampala laga soo saaray qorshe ciidamo hal guuto ah lagu soo kordhinayo howlgalka AMISOM.

Related posts:

  1. Ciidamada Ururka xisbul Islaam ee degmada Afgooye oo Xabsiga u taxaabay dad lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen falal amni daro ah oo ka jiray degmadaasi Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose...
  2. Hiiraan: Xisbul Islaam oo sheegay in ay u direen Matabaan ciidamo qabsada.25/01/10 Gololey 25 April:-Ururka Xisbul Islaam, qeybtiisa gobolka Hiiraan ayaa sheegay...
  3. Hiiraan: Xisbul Islaam oo sheegay in ay u direen Matabaan ciidamo qabsada.25/01/10 Gololey 25 April:-Ururka Xisbul Islaam, qeybtiisa gobolka Hiiraan ayaa sheegay...
  4. Afgooye: Xisbul Islaam:” Waxaa na soo gaarey Gurmad faro badan” Maamulka ururka Xisbul Islaam ayaa ka war bixiyay ciidamo fara...
  5. Xisbul Islaam oo sheegay in ay Mudug maamul u sameynayaan. Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah kooxaha ka horjeeda...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author