Duqeymo xalay Muqdisho ka dhacay.

Duqeymo xoogan oo qasaaro geestay ayaa ayaa xalay saq dhexe iyo goor hore oo saaka ah lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhaawacmay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid tiro madaafiic ah oo halkaasi ku dhacday.
Madaafiic kale oo xoogan ayaa waxaa ay ku dhaceen degmada Kaaraan iyo goobo kale oo ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho.
Degmada Boondheere, oo beryihii u dambeeyay dagaalo culus ay hareeyeen, ayaa waxaa laga maqlayay madaafiic ku dhaceysay xaafado ka tirsan degmadaasi.
Jawiga deegaanadaasi ee madaafiicda xoogan lagu garaacayay ayaa haatan waxaa ay yihiin kuwo degan, inkasta oo aan la isku haleen karin xaaladdani.

Related posts:

  1. Duqeymo ka dhacay xaafado Muqdisho ka mid ah. Dagaalo iyo Duqeymo waxyeelo geystay ayaa Galabta ilaa iyo Caawa...
  2. Duqeymo iyo Dagaalo Muqdisho ka dhacay. Gawaarida ambalasta ayaa maanta dhaawacyo fara badan waxaa ay ka...
  3. Duqeymo qasaaro dhimasho iyo dhaawac geestay oo ka dhacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha. Duqeymo madaafiic ah oo geestay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa...
  4. Iska hor imaad iyo duqeymo ku sii baahaya Muqdisho. Iska hor imaad xoogan oo la isku adeegsadey hubka noocyadiisa...
  5. Faahfaahinta duqeymo Muqdisho ka dhacay Magaalada Muqdisho Caasimada Dalka Gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author