Wareysi toos ah oo lala yeeshay Faramuggo-da Jarmalka

Waxaan ku qasbanaa inaan u sii maro laacibiintii hore ee qirtay inay gef ka galeen qaranka Aljeria koobkii adduunka 1982-kii si aan balan ula sameysto Faramuggo (Caaro-badeedka) Paul, inkastoo uu ka xumaa waxa laga sheegayo saadaalintiisa, iyo xanaaqa ay Jarmalka u qabaan.

Faramuggoodka Paul waa mid degan, fiican, kaftan badan, si ka duwan dadka Jarmalka, wuxuuna leeyahay garasho saraysa, dadkana aad ayuu u dhagaystaa, inta aan weydiin ka horna, waxaan ka codsaday inaan sawir la galo, wuuna iga ogolaaday, wuxuuna i siiyay cabitaan, inaan wareysiga bilaabo ayuuna ii ogolaaday:

Mudane Paul.. Xaalkaaga?
Xaalkee ka hadlaysaa, haddii ay Jarmalka yihiin, waa dad wanaagga inkira, markii aan saadaalinayay guushooda wey I koolkoolinayeen, markii aan dhahay in Spain ay ka badinaysana waxay ii balan qaadeen hoog iyo halaag iyo arimo sii waaweyn, qaar ayaana dalbaday in badda la igu tuuro si ay mallaayadu ii cunaan, qaar meel ka sii dheer ayay aadeen oo waxay soo jeediyeen in la ii jarjaro dhowr qaybood oo la I solo macaamiishana la i siiyo.

Taasi maku dhibtay?

Haa, dhab ahaan waan ka shallaayay markii aan ogaaday in dadka Jarmalka iyo bulshada caalamka in aysan u jeclayn koobka adduunka, sida ay u jecelyihiin saadaashayda in dal uu mid kale ka badinayo.
 

Laakin qaar ka mid maqaayadaha Spain way joojiyeen in la kariyo Faramuggoda..

Waxaan ka akhriyay wargeysyada qaar..

See u akhrinaysaa adigoo aanan dareen lahayn?

Waxaan leeyahay dareen Siddeedaad, dhinacyadayda Siddeeda ah waxay I dareensiinayaan wax aadan dareemayn, ma garatay?

Waxaan kaa rabaa inaan ii caddayso..

Haddii garsoore iyo kaaliyihiisa aysan arag goolkii Lampard ee dhaafay diilinta Jarmalka, iyagoo u dhawaa side anigoo ka fog dhowr kun oo kilometer aan u sheegay natiijada oo sax ah, uuna sheegay Platter in uu taageersanyahay in la kaalmaysto Video-ga si loo yareeyo gefafka garsoorayaasha, iska dheh, xalku wuxuu ku jiraa Faramuggoha..

Waxay ka dhigantahay inaad diyaar u tahay inaad FIFA saacido?

Haddii ay niyaddu run sheegto.

Aan u soo laabto kulankii Jarmalka iyo Spain, waxaad tahay Faramuggo Jarmal ah maxaadan u dhihin Jarmalka ayaa guuleysanaya?

Haddii aan saas dhihi lahaa, nolol iguma aadan aragteen, waayo waxaan dareemayay inay soo baxayaan fara marnaan.

Manoo sheegi kartaa sirta ka danbaysa sida aad u malayso dalka badinaya?

Waad ogtahay in bulsho weynta Faramuggooga aanan maqal iyo arag lahayn, laakin meel dheer ayaan wax ka dareenaa, anigana marka la I soo hordhigo laba sanduuq, ima quseyso calanka dowlada uu yahay, inta ay I quseyso cuntada, maadaama aan leeyahay Siddeed garab, dhinac walba xuriyadiisa ayaan siiyaasi uu u doorto sanduuqa uu rabo, anigu waxaan ahay Diqumraadi, marka tirada badan ay sanduuq dooratana, iima taalo waxa dadka biyaha banaankiisa jooga ay dhahayaan, haddiiba ay garbahayga raaxo joogaan.

Ma aaminsantahay in Jarmalka dib kuu rumeysan doonaan?

Side ayaysan ii rumeysan, waxayba u gubanayaan inay ogaadaan cidda aan dooranayo in ka badan daawashadooda Maanshaaft. Hana halmaamin in qaranka ay ku jiraan, Turki, Tuunisi, Baraazili, Polandi, iyo Ghanays, sidee qaran ay Dimoqraadiyad ugu ogolaadeen Paul uga diidayaan..

Ma daawatay kulankii Jarmalka iyo Spain maxaadse aragtay?

Waad ogtahay inaan waxba arkayn, laakin dareenkayga marna ima duleeyo, Jarmalka kulankii Spain waxay u ciyaareen sidii Arjantiin marki ay Jarmalka la ciyaaraysay, yacni waxay u ahaayeen naftooda hoos, Spain waxay dareentay inay la midtahay gaariga Diesel ee Jarmalka, mar walba oo la sii ciyaaro waxaa siyaadayay orodkooda, isla qabsigooda iyo bandhigooda.

Sideed u aragtaa Puyol?

Waxaad ugu yeeri kartaa aabaha hoogga, waa ciyaaryahan aan jecleyn guuldarada oo ka soo jeeda Catalonia, wuxuuna u egyahay tintiisa dheer Faramuggoodka, magaca Puyol-na waxa uu u dhawyahay Paul.

David Villa-na?

Waa ciyaaryahan hibbo gool dhalin leh, dareen urin ayuuna u leeyahay goolasha, wuxuuna gaari doona Barcelona meel uusan ciyaaryahan hortiis gaarin.

Tababare Joachim Loew-na?

Maskiin, wuxuu aaminay in haddii uu xirto funaanada Buluugga ah uu badinayo, sida in uusan arag wixii ku dhacay France, Italy iyo Japan, xataa Brazil oo kulankeedi ugu danbeeyay xirnayd, intaas kadib wuxuu istaahilaa in la taageero..

Messi, wuxuu ahaa mid aan ka muuqan koobka, yacni qarankiisa waxba kuma soo kordhin?

Cunugaan waa la dulmiyay, booskiisa waa dalka Spain.

Maka cabsanaysid in hadalkaaga Maradona uu ka xanaaqo?

Ma u malaynaayo, sababtoo ah Maradona marka uu daawanayo qaranka Spain waxa uu is dhahaa, Messi ayaa ka dhiman.

Ka soo qayb galka Aljeria-na?

Waan ka xumaaday, sababtoo ah saddex laacibiinta qaranka ah ayaa ka ciyaara horyaalka Bundesliga, Matmour, Ziani iyo Antar, mana u gudbin wareegga labaad, waxaan kula talin lahaa inay ku laabtaan qaabka ay tinta u soo jarteen, midabkana ka soo dhigaan Cagaar, Jaalle waxaa leh Brazil, Guduudna Spain.

Yaa ku guuleysanaya koobka aragtidaada?

Spain ayaa ah horyaalka adduunka, xataa haddii ay qaar sharaxaan Holland, aniga Spain ayaan la jiraa, sababtoo ah maqaayadahooda lagama kariyo Faramuggodka taasna waxay naga ilaalinaysaa inaan salguurno.

Spain ma u hambalyaynaysaa haddii ay guuleysato?

Dabcan, waxaan ka fikirayaa inaan ku soo aqal-galo Jazeeradaha Kanaari.

Yacni waad guursanaysaa?

Ilaah ayaa mahad leh, kadib bishaan ee aan ku guuleystay maqaarkayga…… waxaan la heshiiyay faramuggo Denmarkiyad ah oo Elina la yiraahdo, oo dabaasha jecel.

Waa maxay howlahaaga kale?

Waxaan qiimeynayaa dhowr bandhig, waxaana ka mid inaan la shaqeeyo mid ka mid ah TV-yada ciyaaraha qaybta fallanqaynta, waxaan soo saari doonaa buug aan uga hadlayo waayo-aragnimdayda koobka adduunka, sidoo kale waxaan aasaasi doonaa hay’ad dhowrta faramuggoodka, waxaana maqaly in jaamacada Harvard ay I siin doonto Diktooro sharafeed, waxaa kale oo aan maqlay in la ii sharaxay abaalmarinta Nobel, waxaa kale oo aan iidheh u samayn doonaa hay’ada UNICEF.

Dhinaca Sports-kana?

Waxaan qabanqaabin doonaa tartan kubbada cagta ah oo biyaha hoostooda lagu ciyaaro.

Dhinaca siyaasadana?

Waxaan isku dayi doonaa inaan saadaaliyo cidda ku guuleysanaysa doorashooyinka soo socda, waxaa kale oo aan u bandhigi doonaa adeegayga dadka doonaya inay arimaha ka hor dhacaan, sida tan Afghanistan, Somalia iyo dhibaatada dhaqaale ee caalamka.

Yaad jeceshahay inaad la kulanto?

Dabcan Mandela, haddi ayan ii suurogelina Shakira.

Councilor-ka Jarmalka Angela Merkel-na?

Siyaasad ahaan isma raacsanin.

Maxaad jeceshahay inaad hesho?

Vuvusela, waxay ku fiicantahay in lagu afuufo biyaha dhexdooda.

Kubbada Jobulanina?

Maxaan ka falayaa waxaa sameeyay Jarmalkee.

Dalka Ghana maxaad arintiisa ka leedahay?

Haddi Essien iyo Palotelli ay u ciyaari lahaayen si kale ayay ahaan lahayd.

Guuldaradii Waqooyiga Korea-na?

Siyaasada shaqo kuma lihi.

Qaranka Faransiiskana?

Shaqo kuma lihi arin la isku raacay, haddii ciyaartoyda ay gadoodaan, wax soo saarkooda hoos ayuu u dhacayaa.

Ceyrintii Anelka?

Ceyrintii Anelka waa midda kaliya ee garsoore uusan shaqo ku lahayn, waana arin khaas ah oo aan xaq u lahayn inaan ka hadlo.

Soo harintaankii Brazil, Talyaaniga iyo Ingiriiskana?

Kuwa iibinaya maqaarka ugaarta inta aysan soo ugaarsan, waxay gaaraan ceelka biyana ma cabaan.

Cristiano Ronaldo-na?

Haka fikiro canuga u dhashay inta uu koobka aduunka socday.

Kaka-na?

Dhigiisa oo kale, waa wax aan jirin.

Sneijder-na?

Marka ay bisadaha maqanyihiin, dooliyada ayaa madax ah.

Rooney isna ka waran?

Koobka miyuu ka soo qeyb galay..

Sidee u aragtaa kubbada cagta naagaha?

Is qurxin, is tirtir la’aan, wax badan kama duwana tan raga.
Wareysiga waan soo koobay…..

Waxaa tarjumay:
C/naasir Maxamed Axmed (Zero)
Zerro77@hotmail.com

Related posts:

  1. Dowladda Jarmalka oo sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso tababarka wadanka Uganda loogu sameynayo ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya Xukuumada wadanka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in ay ka...
  2. SHEEKH AXMED MADOOBE: “Heshiis aan la galay Dowladda Soomaaliya ma jirto, hadalkii Sheekh Xasan Daahirna waa mid lala yaabo Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Gobolada Jubooyinka Sheekh Axmed Maxamed...
  3. Kooxda Liverpool oo tareen ku tagtay Madrid iyo qubanayaal kale oo xiisa leh Waxaa lagu wadaa in kooxda Liverpool ay la cayaarto kulan...
  4. Khilaafka dowlada oo saameyn ku yeeshay weeraro ay qaadi lahaayeen ciidamada dowlada. 20/04/10 Gololey 20 Aprill:- .Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda dowlada...
  5. Markab Ganacsi jarmalka laga leeyahay oo la soo furtey. 06/04/10 Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda dalka Netherlands oo...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author