Fantisyo Balaaran oo lagu soo dhaweynayo gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Fantis yahan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Wadajir ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano ka tirsan barlamaanka, Maamulka Gobolka banaadir, Fanaaniinta Hobolada Waabari Odayaal iyo wax garad, Uruada Bulshada ,Ururada Haweenka iyo boqolaal dadweyne ah oo isgu soo baxay xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed xasan cadoow “daaci” oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa maamulka gobolka gaar ahaan gudoomiyaha cusub ugu baaqay in Shacabka ku nool Wadajir loo aqoonsado dad Nabadeed Kuna sifoobay, isagoo tilmaamay in ammaanka ka jira degmada ay ayagu hormuud u yihiin.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir tarsan oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in degmada Wadajir iyo dadka ku nool ay tusaale u yihiin 16ka degmo ee gobolka iyo maamulladooda, isagoo degmada ku casuumay madaxda dowladda sida madaxweynaha iyo R/wasaaraha si ay u arkaan hormarka nabadeed ee ay gaareen shacabka iyo maamulka degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynleey.
Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sidoo kale baaq u diray hay,adaha Samafalka ee fadhiya Nairobi, isagoo tilmaamay in degmada wadajir ammaankeeda la isku haleyn karo, halka shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladaha ee maalin kasta baadda siiya maleeshiyaadka uu sheegay in ay soo degaan goobaha nabadda ah ee dowladu maamusho.
Xildhibaan Xuseen Caraale iyo Xildhibaan Cumar Filish oo madahsaasi ka hadlay ayaa ayana Sheegay in shacabka ku nool degmooyinkaan ay gaareen hormarka xagga ammaanka ah ayagoo kaashanaya maamulkooda, waxayna tilmaameen in shacabka degmooyinka kale ee gobolka looga baahan yahay in ay qaataan go’aano noocaan oo kale ah si loo helo nabad waarta oo ka dhalata dalka.
Degmooyinka Wadajir iyo dharkeynleey oo ah Xaafada kaliya ee Marti Galiyey dadweynihii ka soo kala qaxay Dhamaan Magaalada Muqdisho Islamarkaana amaankoodana Gacanta Ku haaya, Iyadoo lagu Tilmaamo Labadaasi Degmo Goobaha fara Kutiriska ah ee Amaankooda la isku haleynkaro ee ku Yaala Magaalada Muqdisho, islmarkaana ay ku noolyihiin kumanaan barakacayaal ah oo guryahoodi ay ka soo ceyriyeen dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, waxaa ka jira maamul hoos taga gobolka Banaadir, iyo ciidan xooggan oo ka Adaga Sugidda Amaanka.
Dadka Ku nool Labadaasi Degmo Ayaa xiriir wanaagsan la leh ciidamada Dowladda iyo maamulka degmooyinka, ayagoo si dhaqso ah uga soo war galiya Ciidamada Amaanka Degmooyinka Wada jir iyo dharkeynleey wax kasta oo ay u arkaan inuu amaanka labadaasi Degmo Qal Qal galinkara ama lid ku ah.
Ugudambeytii Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu Kormeer ku soo maray Dhamaan Qeybaha iyo Baaxadda ay ku fadhido Degmada iyo Dhamaan Deeganada Hooostaga Labada Degmo ee Wadajir iyo Dharkeynley, Iyadoo goobaha uu Gudoomiyuhu Soo kormeeray ay ka mid yihiin Dekedii hore ee Baqal iyo Xawaal, Jaziira, Saldhiga Galbaad iyo Jiida hore ee Ciidamada Ay ku sugan yihiin.
Related posts:
- Guddoomiye Ahmed Daaci oo Qadashar guriigasa ugu sameeyey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Mudane Tarsan.21/7/2010 Qada sharaftaan oo ay ka soo qeyb galeen Dhamaan Bulshada...
- Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan” oo ku tilmaamay Dadweynaha Ku nool Degmada Wadajir inay yihiin Jaamacada laga Barto Amniga.21/7/2010 Xildhibaanka oo ka hadlaayey Munaasabad ka dhacdey garoonka Kubada koleyga...
- Amaanka degmada Wadajir oo kulan laga yeeshay.10/04/10 Kulan balaaran oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa...
- Faah-Faahin ku saabsan Madaafiic lagu garaacey degmada Wadajir. Gololey 21 aprill:- Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid...
- Muqdisho oo maanta yeelatay Maamulkii Afaraad,iyadoo Ahlusuna Waljamaaca ay ku dhawaaqday Maamulka uga wakiilka ah Gobolka Banaadir. Gololey, 18 aprill:- Munaasabad maanta lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.










beesha daauud nimasame waa beel mudan in lagu daydo maxaa yeelay waxay ku tilaabsadeen sababo amniga iskadhicinta koxda shawaab iyo wixi aan dan u wadi umada soomaaliyeed waxaana leeyahay noolaadada waligiin jira