Ciidamada Midowga Afrika oo hub culus iyo Taangiyo cusub kaga qeyb qaatay dagaalada. 19/7/2010


Ciidamada Amisom ayaa galabta ku biiray dagaalada shalay ilaa saaka ku dhex marayay xaafado ka tirsan degmada Boondheere, iyadoo la arkayay taangiyadooda oo jidaha dagaal sii galayay

Wararka ayaa sheegaya in ku biiritaanka ciidamada Amisom ee dagaalka ku biireen ay ka dambeysay, kadib markii kooxaha mucaaradka ku soo dhowaadeen aqalka madaxtooyada villa Soomaaliya.

Dad goon joogayaal ayaa sheegaya in taangiyada Amisom ay tageen ilaa safaaradii hore ee talyaaniga iyo wasaaradii arrimaha gudaha oo shalay soo gaareen kooxaha mucaaradka.

Dagaalkii galabta oo bar bar socday duqeyn ayaa inta badan waxay labada dhinac is weydaarsanayeen madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku kala dhacayay qeybaha ay ka kala sugan caasimada.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Barigiye Bahoku ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay markii weeraro lagu soo qaaday, waxaana uu sheegay in iyaga aanay marna gacmaha ka laaban doonin inay ka jawaabaan weeraradaas.

Xaalada goobaha lagu dagaalamay ayaa caawa ah mid degan, iyadoo la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa aagaga la isku hor fadhiya, waxaana tani hubanti ka dhigeysaa in labada dhinac dagaal kale ka dhex qarxo marka uu waaga u baryo.

Related posts:

  1. Meydka ilaa Shan ruux oo ahaa shaqaalihii ka qeyb qaatay dayactirkii Xaruntii Golaha Shacabka oo shalay galab la soo dhigay qeybo ka mid ah Yaaqshiid. Meydka Ilaa shan ruux oo madaxyada laga jaray ayaa shalay...
  2. Ahlu-Suna oo bilaabay in Haween ay ka qeyb geliyaan dagaalada. 04/06/10 Ururka Ahlu suna waljameeca o ka mid ah kooxo diimeedyada...
  3. Iska hor imaadka dhex maray Amisom iyo kooxaha dowlada ka horjeeda.27/04/10 Gololey 27 April:-Iska hor imaadyo goos goos ah oo u...
  4. Dowlada oo ka hadashay sababaha dib u dhaca u keenay dagaalada ay qaadi lahaayeen. Dowladda KMG ah ee Soomaaliya saraakiil ka tirsan ayaa sheegaya...
  5. MAsar oo ka baaqsatey shirka Midowga Afrika. Wararka ka imanaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author