Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo ka digay ciidamada Dowladda KMG ah inay hubkooda ka iibsadaan ganacsatada hubka.19/7/2010

Warcad oo ka soo baxay Taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Col. Axmed Xasan Maalin ayaa looga digay in Ciidamadu Hubkooda ka iibsadaan Ganacsatada hubka ka ganacsda.

Taliyaha ayaa uga digay ciidamada Dowladda KMG ah inay hubkooda ka iibsadaan ganacsatada hubka, isagoo sheegay in askargii lagu qabto isagoo hubkiisa iibsanaya laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir waxa uu sheegay inay sidoo kale uga digayaan ganacsatada hubka inay hub ka iibsadaan ciidamada Dowladda ciddii lagu qabtana waxa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono.

Taiyaha ayaa sheegay inay baaritaanno ay shalay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ku soo qabqabteen dhowr qof oo hub ganacsi ah watay, kuwaasoo uu sheegay inay sharciga horgeyn doonaan.

Dhanka kale waxaa jira in Ciidamada dowladda qaarkood ay hubkooda iibsadaan markii ay dhowr bilood waayaan Mushaaraadkooda, hase yeeshee digniintaan ayaa dhici karta inay baqdin geliso ciidamada Hubkooda iibsanaaya.

Related posts:

  1. Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigeen qalab horay looga xaday. Col. Cabdi Maxamed Taakow oo ah Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda...
  2. Wasiirka Amniga qaranka dowladda FS oo sheegay in wax hub ah iyo Taageero Milatari intaba aaney u heyn Ciidamada dowladda FS ee ku sugan Gobolka Hiiraan.18/04/10 Gololey, 18 aprill:- Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta...
  3. Ganacsatada Hareeraha Dekeda ku ganacsada oo lagy amrey in ay deg deg ku guuraan. Qaar kamid ah ganacsatada yar yar ee wax ku iibisa...
  4. Khilaaf soo kala dhexgalay Taliska Ciidamada badda iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan rarista dad barakacayaal ah oo saldhigtay Bankigii Ganacsiga iyo Hotelka Curuba ee Muqdisho. Gololey, 19 aprill:- Gudoomiyaha Guddiga G/banaadir u xilsaaray rarista iyo...
  5. Dowladda Ghana oo sheegtay inay ciidamo faraban u soo direyso dalka Soomaaliya War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska taliyaha guud...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author