
Dhalinyaro ku hubeesneed Bostoolado ayaa Xalay salaadii maqrib ka dib toogasho ku dilay gudoomyihii maxkamada Rafcaanka ee gobolka Sool ee maamulka Somaliland.
udoomiyaha la dilay oo lagu magacaabo Suleymaan Jaamac Ciise (Suleyman Dheere) ayaa lagu toogtay meel wax u jirta guriga uu magaalada ka degan yahay.
Dadka deegaankaasi ayaa sheegay in gudoomiyaha xiliga la dilayey uu ku sii socday gurigiisa ka dibna ay toogteen niman madaxa soo duubtay oo ka dibna goobta ka baxsaday.
Mr Dheere waxaa uu sidoo kale ahaa gudoomiyaha saddexda maxkamadood ee Somaliland ee kala ah Rafcaanka, maxkamada sare iyo mid dastuuriga u qaabilsan gobolka Sool.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta soo gaaray, waxaana meydka gudoomiyaha la geeyey gurigiisa.
Related posts:
- Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada maamulka lamagac baxay Somalidland Iyo Ciidamada SSC oo ka oo cusboonaadey Gobolka Sool Xiisado colaadeed ayaa ka bilowday deegaanada gobolka sool taasoo laga...
- Dagaal Qaraar oo xalay Ka Dhacay Afaafka Hore ee Magaalada Laascaanod 24/6/2010 Dagaal la isku adeegsaday hubka cul culus ayaa xalay ka...
- Maxkamada Al-Shabaab oo xukuno kala duwan Maanta fuliyay. Gololey 26 April:-Maxkamada xarakada Al-Shabaab Al Mujaahdiin ayaa maanta xukuno...
- Qaar ka mid ah wasiirada Xuukumada Riyaale oo is Casiley. 24/6/2010 Iyadoo doorashada madaxtinimda maamulka la magac baxay Somaliland ay naga...
- Kabo-ku tukade:Anaga meelaha aan tagnay dadka ayaa noo gacan haatinayay, Xarar-dheere waa na looga gacan haatinayaa, Puntland ayaa na looga gacan haatinaya, Somaliland ayaa na looga gacan haatinayaa, waana tageynaa” Gololey 27 April:-”Anaga meelaha aan tagnay dadka ayaa noo gacan...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.