Waxaa maanta Shir Jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay haween ka kala socday qeybaha kala duwan ee Haweenka sida: Haweenka Ciidamada Qalabka Sida, Haweenka Ururada Bulshada Rayidka, Haweenka 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir iyo qaar kale oo badan oo ka kala yimid Dhamaan Gobolada Dalka Soomaaliya.
Shirkaan Jaraa’id oo ahaa mid Jawaab u ah hadalo ka soo yeeray Wasaarada Haweenka iyo arrimaha Qoyska, hadalkaasi oo ahaa inay Wasaarada ku tilmaantay Doorashadii Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed mid ay isku doorteen koox yar oo kaliya.
Ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay Canab Xasan Cilmi oo ka mid ah Ururka Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in 19- Bilood ay wasiiradu xilka wasaaradaasi haysay aysan waxba u qaban Haweenka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadashay Canab Axmed Ciise oo ku eedeysay wasiirada Waxqabad la’aan iyo in wasiiradu diyaarad ka raacday Haweenka Soomaaliyeed oo u fadhiya Munaasabadda 8-da Maarso.
Ugu danmabayntii waxaa halkaasi ka hadashay Drs. Caasho Cumar Geesdiir oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo sheegtay in in Haweenka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan ay ka codsadeen inay qabato Xilkan.
Waxaan ka xumahay iyadoo ay i doorteen 450-Haween ah inay wasiiradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska ay nagu Tilmaanto koox yar.” ayay tiri Drs.Caasho Cumar Geesdiir oo sheegtay inay taageero badan ka haysata Dhamaan Haweenka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.
Shirkaan jaraa’id ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid haweenka Xildhibaanada Baarlamaanka iyo madax kale oo ka soctay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Dhanka kale Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska oo aan isku daynay inaan wax ka weydiino eedeyntaan ay u soo jeediyeen Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrimahaasi.
Related posts:
- Drs Caasho Cumar Geesdiir oo Maanta Magaalada Muqdisho loogu doortey Guddomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed. 15/7/2010 Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad balaaran oo lagu...
- Ra,isal Wasaraha DFKGS oo Xalay la qaatay Kulan Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ay hogaaminaysay Guddomiyaha ururukaas Drs Caasho Cumar Gesdir. Kulankan oo isugu jirey Casho sharaf iyo shir uu la...
- Guddomiyaha ururuka Haweenka Soomaaliyeed Caasho Cumar Gesdir oo Maanta booqasho ku tagtey Machadka Waxbarashada Dadka Naafada ah ee Magalada Muqdisho. Daawo Sawirada Booqashadan oo ahayd mid ay ku gaarsiinaysay Macahadkaas waxoogaa lacag...
- Guddomiyaha Ururka H/Soomaaliyeed Drs Casho Cumar Gesdir iyo ku-xigaanka Ergayga Gaarka ah ee AMISOM Mr:Wafula oo si wada jir ah ugu qeybiyey Gaariga Naafada qaar ka tirsan Naafada Soomaaliyeed.20/8/2010 Dadka Deeqdan la gudoonsiiyey ayaa waxaa ay isugu jireen Odayaal,...
- Deeq lacageed oo ay soo dhibeen Gabdhaha Jaliyadda Mudulood ee Dalka Kuwait oo maanta Ururka Haweenka Soomaaliyeed uu gaarsiiyey Hoyga Fanaaniinta Qaranka Ex-fiyore. Deeqdan lacageed oo ah mid ka mid ah deeq ay...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.






A.w.w. Walaalayaal salaanta kadib waxaan dumarka soomaaliyeed aan leeyahay is eedaynta dhaxdanada ah waa laga fiican yahay ayadoo aan wax lays wareysan, Wasiirada Haweenka iyo Arimaha qoyskana xaqbay u leedahay in ay sidaa u hadasho waayo haweenka soomaaliyeed ee jamhuuriyada ku nool ma ay wada dooran Drs Caasha, marka ma orankarno Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed, hadii ay tahay kan gobalka Banaadirse wasiirada waxay leedahay latashi, markaa walaalayaal yaynaan is qabqabsanin hadaanu nahay Haweenka soomaaliyeed. oo hadba sida aan wax u rabno ha ahaado mid aan kuwada tashano iskuna xaqdhowrno masuuliyada uu kan kale hayo. wasiiraduna waa muhiim in lala tashado.