Burcad badeed Maanta Iska Horimaad ku dhex maray Deegaanka Baar-gaal ee Gobalka Bari

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waxaa gaaray dhaawac kaddib dagaal ku dhexmaray saakay deegaan ku dhow Baargaal oo ka tisran Gobolka Bari kooxo burcadbadeed Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ku murmay marka ay haystaan.

Goobjoogayaal ku sugan deeegaanka Baargaal ayaa sheegay in muranka kooxaha burcadbadeedda ah uu ka bilowday markabka ay haystaan, iyadoo qaar ka mid ah ay dalbadeen in markabka meesha laga qaado halka kuwo kalena ay arrintaas diideen.

“Deegaanka Baargaal waxaa la keenay laba qof oo dhaawac ah, waxaana dhintay mid ka mid ah, marka khasaaraha la ogyahay oo dagaalkii saakay ka dhashay waa intaas” ayuu yiri Abshir Yuusuf oo ka mid ah dadka deegaanka oo u hadlay saxaafadda.

Abshir oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Baargaal ayaa sheegay in muranka uu weli taagan yahay, iyadoo xalay ay kooxaha burcadbadeedda ah uu xoogeystay khilaafka u dhexeeya, saakay uu isku badalay gacan ka hadal.

Inkastoo dagaalku uu qaboobay, haddana wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa shegaya in xiisado colaadeed oo labada kooxood u dhexeeya la dareemayo, iyadoo laga baqdin qabo inay arrintu isku badasho qaab beeleed.

Markabka ay kooxahan haystaan oo aan la sheegin dalka laga leeyahay ayaa wuxuu halkaas ku xiran yahay muddo dhowr bilood ah, iyadoo khilaafkan gacan ka hadalka sababay ee u dhexeeya kooxahan uusan ahay markii ugu horreysay.

Related posts:

  1. Ciidamada dowlada oo iska hor imaad uu dhex maray .22/04/10 Gololey 22 Aprill:- Iska hor imaad daqiiqado socdey oo qasaaro...
  2. Iska hor imaad Xisbul Islaam iyo kooxo hubeysan dhex marey. Deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa iska hor imaad...
  3. Ciidamada Badda Britain oo galbiyay doon India laga leeyahay iyo shaqaalihii saarnaa oo Burcad badeed Soomaali ah ay iska siidaayeen. Gololey, 17 Aprll:-Ciidamada Badda ee Boqortooyada England ayaa sheegay in...
  4. Iska hor imaadka dhex maray Amisom iyo kooxaha dowlada ka horjeeda.27/04/10 Gololey 27 April:-Iska hor imaadyo goos goos ah oo u...
  5. Xisbul Islaam iyo Dhalinyaro maanta dagaal uu dhex maray. Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamo ka tirsan Ururka...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author