Culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljameeca ayaa soo saaray amar ah inaaney idaacadaha magaaladaasi sii deyn karin Siireada Rauulkeena Muxamed NNKH gaar ahaan inaan idaacaduhu deyn karin codka Sheekha Caanka ah ee Mustafa Haaruun Cilmi marka uu siirada Rasuulkeena Muxamed NNKH ka hadlayo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale idaacadaha Cabdudwaaq aysan adeegsan karin magaca Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyagoo tilmaamay inay magacaasi neceb yihiin sida iyaga magacooda ay u neceb yihiin.
C/kariin Bulxan Agaasimaha Idaacada Cabdudwaq ayaa laga soo xigtay in dhamaan madaxda idaacadaha magaaladaasi loo yeeray kadibna lagu amray inay hada ka dib deyn karin codka wadaadka Sheekh Mustafa Haaruun marka uu ka sheekeynayo siirada Rasuulkeena Muxamed NNKH,islamarkaana ay sii daayaan wadaad ay iyagu keensan doonaan kaasoo ka sheekeyn doona siirada Rasuulka Muxamed NNKH.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ula yaabay amarkaasi iyagoo ka naxay talaabada ay qaadeen maamulka Ahlu suna kaasoo aan loo heyn wax qiil ah, oo baneyn kara in sheekh Mustafa codkiisa la mamnuuco,madaama uu yahay wadaad caanka ah dhamaan gudaha iyo banaanka Soomaaliya, islamarkaana aan waligiis siyaasada faraha la gelin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay agaasimuhu in sababaha ay idaacada u joojiyeen ay ka mid tahay kadib markii ay Mas’uuliyiinta Ahlus una ka waayeen qoraal saxiixan ama cod cadeynaya inay iyagu amarkaasi soo saareen.
Related posts:
- TFG-da oo guluf ugu jirta in Radio Muqdisho laga baahiyo Idaacadaha BBC iyo VOA. Wasaarada warfaafinta dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa guluf ugu jirta...
- Idaacadaha Muqdisho oo Al-Shabaab kala hadlaya amarkii heeso Joojinta ee Xisbiga.05/04/10 Mas’uuliyiinta Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa Xarakada Al-Shabaab qorsheynaya in ay...
- Xisbul Islaam oo amaro kale ku soo rogey Idaacadaha Muqdisho..22/04/10 Gololey 22 Aprill:- maamulka Xisbul islaam ee gobolka Banaadir ayaa...
- Joojita Idaacadaha ee Musiga oo Midowga Yurub ay cambaareysay.27/04/10 Ururka Midowga Yurub ayaa dhaleeceeyay mamnuucitaanka ururada Mucaaradka DKMG ay...
- Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan” oo ku tilmaamay Dadweynaha Ku nool Degmada Wadajir inay yihiin Jaamacada laga Barto Amniga.21/7/2010 Xildhibaanka oo ka hadlaayey Munaasabad ka dhacdey garoonka Kubada koleyga...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.