Ciidamada Culumaa’udiinka ahlu Suna Waljamaaca oo Maanta Magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgalo ay haweenka uga qaadayeen indha shareerka.

Ciidamada Culumaa’udiinka ahlu Suna Waljamaaca ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgalo ay haweenka uga qaadayeen indha shareerka iyagoo dab qabadsiinayay indha shareerkaasi.

Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan inta u dhaxaysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horaysay waxa ay bilaabeen in ay Indhashareerka ka qaadaan haweenka iyadoona haweenkaasi qaarkood markii ay ka dhago adeegeen amarka Ciidamadaasi ay si xoog ah uga qaadayeen sida ay Shabelle u xaqiijiyeen qaar ka mid ah haweenkii halkaasi indha shareerka loga qaaday.

Mid ka mid Haweenkii ay maanta Ciidamaaasi Indhashareerka ka qaadeen oo la hadlaysay Idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegtay in maanta ay bilaabatay arintani Indhashareer qaadista ah ee ay sameenayaan Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljmaaca iyadoona sheegtay in markii Haweenka Indhashareerka laga qaado ay Ciidamada Dab qabadsiinayeen.

Dhinaca kale Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay nawaaxiga halka ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay Indhashareerka haweenka uga qaadayeen ayaa waxaa uu sheegay in amarkaasi uusan aheyn mid ka soo baxay madaxda sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljmaaca.

Talaabada ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay dumarka Indhashareerka ugu dhigayeen Maanta oo ah mid ku cusub Magaalada Muqdisho ayaa hadana kol hore Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca waxa ayaa qaar ka mid ah gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud uga mamnuuceen qaadashada Indhashareerka.

Related posts:

  1. Ciidamada Culumaa’udiinka ahlu Suna Waljamaaca oo Maanta Magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgalo ay haweenka uga qaadayeen indha shareerka. Ciidamada Culumaa’udiinka ahlu Suna Waljamaaca ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka...
  2. Xubnaha culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee ku sugan Muqdisho oo soo dhaweeyay wadahadalka dowladda KMG iyo Ahlu Sunna ku dhexmaraya muqdisho. Xubnaha culumaa’udiinka Ahlu Sunna waljamaaca ee ku sugan magaalada Muqdisho...
  3. Ahlu Suna oo dhameysney Khilaafkii u dhaxeeyay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay sheegeen in ay...
  4. Ahlu Suna:” Maxkamad ayaa la saarayaa, Ninkii Shareerka…” “Arrin maalmahan la hadal hayay oo la lahaa Ahlu Suna...
  5. Ahlu-Suna iyo TFG-da maxay ka hadleen Maanta, maxaase kulankooda ka soo baxay. 14/04/10 Gololey, 14 aprill:- Wareegii labaad ee wadahadalkii u dhaxeeyay Culumaa’udiinka...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

About the Author